Manchester United Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaadhay Burnley, Dhibcihii City Oo Siddeed Noqday & VAR Oo Muran Kale Abuurtay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa soo gaabisay farqiga dhibcaha ay Manchester City hoggaanka horyaalka Premier League ku hayso oo ay ka dhigtay siddeed, kaddib guul dahabi ah oo Red Devils ay ka gaadhay Burnley oo ay waqti dambe ka boobtay saddexda dhibcood.

Manchester United oo garoonkeeda Old Trafford ku martigelisay Burnley ayaa ku badisay 3-1, waxaana guusha ku hoggaamiyey Mason Greenwood oo laba gool u dhaliyey iyo Edinson Cavani oo dhamaadkii ciyaarta shabaqa soo taabtay.

Bilowgii ciyaarta ayaa Manchester United lagaga naxsaday gool degdeg ah oo Burnley uu madax ugu dhaliyey laacibkeeda Wood, waxaase goolkan diidday VAR oo iclaamisay in uu laacibkani ku jiray offside ka hor intii aanu goolka dhalin.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaanay labada kooxood wax goolal ah kala dhalin, hase yeshee bilowga qaybta labaad ayuu Mason Greenwood gool u beddelay kubbad uu ka helay Marcus Rashford, waxaase laba daqiiqadood kaga jawaabay James Tarkowski oo ciyaarta ka dhigay barbarro 1-1.

Mason Greenwood ayaa ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka hadhsan tahay Manchester United u dhaliyey gool labaad oo ay hoggaanka ku qabtay, waxaana mid saddexaad ku daray Edinson Cavani daqiiqaddii 90+3.

Manchester United ayaa sii adkaysatay kaalinteeda labaad waxaanay toban dhibcood ka horreysaa Leicester City oo saddexaad fadhida balse ciyaari doonta Arbacada, waxaana ay siddeed dhibcood usoo jirsatay Manchester City oo hoggaanka ku haysa 74 dhibcood, halka United ay ka leedahay 66 dhibcood, laakiin City ayaa kulankeeda usbuucan dheeli doonta Arbacada.

Shaxdii labada kooxood

BURNLEY (4-5-1): Bailey Peacock-Farrell; Matthew Lowton, James Tarkowski, Ben Mee, Charlie Taylor; Johann Gudmundsson, Jack Cork, Ashley Westwood, Josh Brownhill, Dwight McNeil; Chris Wood.

Kaydka: Richard Nartey, Jimmy Dunne, Matej Vydra, Phil Bardsley, Will Norris, Jay Rodriguez, Dale Stephens, Lewis Richardson, Erik Pieters.

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): Dean Henderson; Luke Shaw, Harry Maguire, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka; Scott McTominay, Fred; Paul Pogba, Bruno Fernandes, Marcus Rashford; Mason Greenwood.

Kaydka: Juan Mata, Nemanja Matic, Brandon Williams, David de Gea, Alex Telles, Edinson Cavani, Daniel James, Axel Tuanzebe, Donny van de Beek.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa shan isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Granada, waxaana safka hore kusoo bilowday Marcus Rashford oo dhaawac ku seegay ciyaartaas, Dean Henderson, McTominay, Shaw iyo Maguire.

Burnley ayaa daqiiqaddii koowaad ba dhalisay gool uu degdeg ahaa iyadoo kubbad uu meel fog kasoo tuuray Lowton uu madax ku qabtay Wood oo dhaafiyey goolhaye Henderson, waxaanay kubaddu gashay shabaqa United oo cidlo ah. VAR oo laga soo hubiyey ayaa xaqiijisay in Wood uu waxyar oo offside ah ku jiray markii uu goolka dhalinayay, sidaas ayaana lagu diiday goolkaas.

Manchester United ayaa ku dhowaatay in ay hoggaanka ciyaarta qabato daqiiqaddii 10aad markaas oo kubbad uu McTominay usii daayey Wan-Bissaka oo isaguna keenay karoos uu madax ku qabtay Pogba oo xerada ganaaxa ku jiray, waxaanay kubaddaasi halis ku gashay in ay goolka gasho, waxaase iska soo difaacay goolhaye Bailey Peacock-Farrell.

Dhawr fursadood oo kale oo qaali ahaa ayay Manchester United heshay qaybtii hore ee ciyaarta, waxayse labada kooxoodba awoodi waayeen in ay goolal kala dhaliyaan.

Daqiiqaddii 48aad ee bilowga qaybta dambe ayay Manchester United hoggaanka ciyaarta ku qabatay gool uu u dhaliyey Mason Greenwood oo helay kubbad uu usoo dhiibay Marcus Rashford oo isagana marka hore Bruno Fernandes garab ka helay, waxaanay Red Devils u dabbaal-degtay goolkeeda.

Ciyaartoyda Man United oo wali ku jira farxadda goolka ay dhaliyeen, ayaa waxay laba daqiiqadood kaddib arkeen kubadda oo dhex taalla goolkooda, isla markaana uu Tarkowski dhaliyey, waxaanay Burnley sidaas ku heshay goolka barbarraha.

Burnley ayaa samaysay fursad kale oo halis ahayd, laakiin goolhaye Dean Henderson ayaa isku muujiyey in aanu tababare Ole Gunnar Solskjaer ku qaldanayn in uu ka dhigto goolhayihiisa koowaad.

GOOOALLLLLLLLL!! 2-1 UNITED! Mason Greenwood ayaa mar kale hoggaanka u dhiibay kooxdiisa dhamaadka ciyaarta oo lix daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan tahay, isagoo shabaqa ku hubsaday kubbad uu usoo dhiibay Paul Pogba. Garsoore Taylor ayaa caawimo uga baahday VAR si loogu xaqiijiyo in Edinson Cavani uu ku jiray offside ka hor intii aanay kubaddu dhalanin, waxaase loo xaqiijiyey in uu gudaha ku jiray.

Edinson Cavani ayaa soo xidhay dhalinta goolasha Manchester United, waxaana weerar degdeg ahaa oo United ay qaadday ay kubaddii ugu dambaysay lugta u gashay Donny van de Beek oo isaguna gaadhsiiyey Edinson Cavani oo xerada ganaaxa ku jiray, kaas oo isaguna ku hubsaday shabaqa.

Mar kale ayaa goolkan laga soo hubiyey VAR oo ogolaatay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 ay guushu ku raacday Manchester United.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*