Manchester United Oo Guul Ay Ku Rafaadday Ka Gaadhay Brighton Xilli Ay Kaalinta 2aad Si Fiican Iskugu Kala Bixisay

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul soo laabasho ah oo ay ku dhibaatootay ka gaadhay Brighton oo ay ku qaabbishay garoonka Old Trafford, taas oo ay kaga badisay 2-1.

Red Devils ayaa lagala hormaray gool uu qaybtii hore ka dhaliyey weeraryahankoodii hore ee kasoo baxay kulliyadooda ee Danny Welbeck oo daqiiqaddii 13aad kubadda qasab ku dhaafiyey goolhaye Dean Henderson oo markii hore iska difaacay, balse uu mar labaad ku celiyey.

Manchester United ayaa qaybtii dambe si aad ah u dagaallantay, waxaanay Brighton oo inta badan difaac ku jiray ay weerar degdeg ah oo uu farsamadeeda lahaa Bruno Fernandes uu daqiiqaddii 62aad gool u sarrifay Marcus Rashford oo goolhaye Robert Sanchez ku qasbay inuu dabinta qaniino.

Mason Greenwood ayaa dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay goolka guusha u saxeexay Manchester United oo sidoo kalena iska lumisay fursado ay goolal intaas ka badan ku dhashan karaysay, gaar ahaan Greenwood oo goolhayaha la hor-tegay kubbada.

Guushan ayaa Manchester United siisay in ay kaalinta labaad isku ballaadhiso iyadoo afar dhibcood ka horreysa Leicester City oo kusoo xigta, isla markaana ay shalay garaacday Man City.

Waxa kale oo guushani ay soo yaraysay farqiga dhibcaha ay Manchester City hoggaanka ku hayso oo hadda noqday 14 dhibcood halkii ay hore uga ahaayeen 17 dhibcood.

Shaxdii labada kooxood

BRIGHTON XI (3-4-1-2): Robert Sanchez; Ben White, Lewis Dunk, Joel Veltman; Pascal Gross, Yves Bissouma, Adam Lallana, Jakub Moder; Leandro Trossard; Neal Maupay, Danny Welbeck.

Kaydka: Jose Izquierdo, Alexis Mac Allister, Michal Karbownik, Alireza Jahanbakhsh, Steven Alzate, Davy Propper, Andi Zeqiri, Moises Caicedo, Jason Steele.

MANCHESTER UNITED STARTING XI (4-2-3-1): Dean Henderson; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Fred, Paul Pogba; Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Marcus Rashford; Edinson Cavani.

Kaydka: Nemanja Matic, Axel Tuanzebe, Daniel James, Scott McTominay, Amad Diallo Traore, David de Gea, Donny van de Beek, Brandon Williams, Lee Grant.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa afar beddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Leicester City ciyaartii ugu dambaysay ee ay guul-darradu kasoo gaadhay ee FA Cup, waxaanu kusoo bilaabay Luke Shaw, Fernandes, Rashford iyo Cavani oo ciyaartaas hore qaarkood kaydka ku jireen kuwo kalena maqnaayeen.

Brighton oo ku bilaabatay qaab wanaagsan ayaa daqiiqaddii 13aad la hormartay gool, kaas oo uu saxeexay Danny Walbeck.

Mar kale ayay ku xigsiiyeen fursad qaali ahayd iyadoo uu Gross soo tuuray kubbad laad xor ahayd oo uu madax ku qabtay Dunk, waxaana Manchester United badbaadiyey goolhaye Henderson oo iska dallacay.

Daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta hore ayay Manchester United ku dhowaatay in ay hesho goolka barbarraha, waxaana kubbad uu fooli ahayd oo uu ku qabtay Paul Pogba ay u tagtay Rashford oo goolka bannaankiisa mariyey.

Qaybta dambe ayay Manchester United si fiican u maamulatay ciyaarta, iyadoo khadka dhexe iyo garbaha ka ciyaartay, waxaana kubbad halis ahayd isku dhiibay Pogba iyo Fernandes, taas oo uu goolhaye Sanchez si dirqi ah kaga badbaadiyey.

Manchester United ayaa heshay goolka barbarraha daqiiqaddii 62aad markaas oo Bruno Fernandes uu dhinaca bidix ee xerada ganaaxa kubadda ugu dhiibay Marcus Rashford oo isaguna shabaqa ku hubsaday, halka laacibka reer Portugal aan loo dhigin qalad taako ahaa.

Fursado kale oo dahabi ahaa ayay iska lumisay Manchester United illaa intii laga gaadhayay tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta.

GOOOOOAAAAALLLL!!!! Mason Greenwood!!! United ayaa ugu dambayntii isku hubsatay saddexda  dhibcood ee ciyaarta, waxaana hoggaanka u dhiibay xiddiga da’da yar ee Mason Greenwood oo shabaqa ku hubsaday kubadda, halkaasna waxay Red Devils ka bilowday dabbaal-deg.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester United oo yeelatay 60 dhibcood, isla markaana 14 dhibcood ka dambaysa Man City, halka kaalinta saddexaadna ay ku jirto Leicester City oo haysata 56 dhibcood.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*