Manchester City Oo Dhamaystirtay Heshiiska ‘Neymar-ka Cusub’ Oo Ay Kaga Guuleysatay Kooxo Waaweyn

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa dhamaystirtay saxeexa xiddiga lagu naanayso ‘Neymar-ka cusub’ oo ay ku garaacday kooxo badan, kana ciyaara waddankiisa Brazil.

17 jirkan mucjisada ah ee garabka ka ciyaara ayaa lagu magacaabaa Kayky, waxaanay Manchester City ku iibsatay lacag dhan £9 milayn oo Gini oo ay la socdaan lacago kale oo ku xidhan bandhiggiisa.

Manchester City ayaa ogolaatay in Kayky uu illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan lasii joogo kooxdiisa Fluminense, waxaana marka uu soo dhamaado xilli ciyaareedku uu u dhaqaaqi doonaa Manchester City oo la rumaysan yahay in ay amaah kusii bixin doonto.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa bishii January sii sheegtay in Manchester City ay ku adkaatay heshiiska da’yarkan mucjisada ah ee Kayky oo sidoo kale ay doonayeen kooxo kale ee reer Yurub ah.

Waa kuma Kayky?

Magaciisa oo dhamaystiran ee Kayky da Silva Chagas, waxaana la barbar-dhigaa Neymar oo uu qaab ciyaareedkiisa oo kale leeyahay. Ciyaartiisii ugu horreysay ee kooxda koowaad ah ayuu Fluminense u saftay xilli ciyaareedkan, isagoo laba gool dhaliyey sagaal kulan oo uu ciyaaray, laakiin horraantii bishan ayuu dhaliyey gool dunida hadal-hayn badan abuuray oo kalidii uu soo shaqaystay, illaa uu shabaqa si xarrago leh ugu hubsado.

Kayky ayaa sannadkii hore noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan horyaalka heerka labaad ee Brasileirao U-17, isagoo dhaliyey 12 gool xilli.

17 jirkan ayaa Etihad Stadium waxa uu ugu iman doonaa Gabriel Jesus oo reer Brazil ah oo uu ka rajaynayo in uu soo dhoweeyo iyo laacibka difaaca ah ee Yan Couto oo Manchester City ay kasoo iibsatay Coritiba sannadkii hore balse ay amaah ugu diray kooxda reer Spain ee Girona iyo sidoo kale Diego Rosa oo ah 18 jir waqtigan amaah ugu maqan kooxda reer Belgium ee Lommel kaas oo ay markii hore kala soo wareegtay Gremio.

Manchester City ayaa waxa  kale oo ay xiisaynaysaa in ay lasoo saxeexao laacibka kale ee da’da yar ee reer Brazil ee Metinho oo ay isku koox yihiin Kayky.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*