Man United Oo Lagu Garaacay Saxeexa Varane, Mourinho Oo La Eryayo, Pogba Oo Argagax Ku Riday United, Barca Oo Shaacinaysa Saxeexa Gini Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa

Akhristeyaal, kusoo dhowaada wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee sida maalinlaha ah aanu idiinku soo gudbinaynay, kuwaas oo aanu ku eegno qodobbada ugu waaweyn ee dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey, xanta suuqa iyo hadal-haynta.

Xuquuqda xogta war kasta, waxa iska leh magaca wargeyska ku hor qoran qodob kasta.

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa caydhinaysa tababare Jose Mournho, mana laylin doono xilli ciyaareedka dambe, haddii ay kooxdu usoo bixi weydo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka 2021-22. (Football London)

Paul Pogba ayaa dalbaday mushahar gaadhaya £500,000 Gini toddobaadkii si uu heshiis cusub ugu saxeexo Manchester United, halka Real Madrid, PSG iyo Juventus lagu wargeliyey dalabka mushahar ee laacibkan haddii ay doonayaan in ay la saxeexdaan. (Star)

Chelsea ayaa Manchester United kula tartamaysa saxeexa difaaca Real Madrid ee Raphael Varane oo 27 jir ah. (Wariyaha wargeyska Bild ee Christian Falk ayaa ku qoray bartiisa Twitterka)

Real Madrid ayaa kusoo rogaal-celisay xiddiga Manchester City ee Raheem Sterling. 26 jirkan ayaa waqtigan boos la’aanku noqday Etihad Stadiium. (Star)

Wolves waxay diyaar u tahay in ay iibiso Adama Traore waxaana lacagta ay ka hesho ay u isticmaali doontaa ciyaartooyo cusub oo ay soo iibsato. (Football Insider)

Tottenham waxay sii waddaa in ay dusha kala socoto 22 jirka difaaca bidix ee reer Brazil ee Emerson oo Barcelona ay amaah ku siisay Real Betis. (Mundo Deportivo)

Georginio Wijnaldum oo khadka dhexe uga ciyaara Liverpool, ayaa qorshihiisu yahay in uu ku biiro Barcelona xagaaga, sababtoo ah wuxuu doonayaa in uu ka garab ciyaaro Lionel Messi iyo Memphis Depay oo lala xidhiidhinayo Camp Nou. (Mirror)

Weeraryahanka reer England ee Tammy Abraham ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Chelsea kaddib markii uu Thomas Tuchel ka saaray liiska 23kii xiddig ee kulankii semi-finalka FA Cup ee Manchester City. (Mail)

AC Milan ayaa u caddaysay Chelsea qorshaheeda la xidhiidha Bukayo Tomori oo amaah ugu ciyaara, kaas oo Milan ay doonayso in ay si rasmi ah ula wareego. (Football Insider)

Aston Villa iyo Crystal Palace waxay danaynayaan saxeexa 25 jirka khadka dhexe ee Chelsea ee Ruben Loftus-Cheek oo waqtigan amaah ugu maqan Fulham.

Weeraryahanka reer France ee Alassane Plea ayaa diyaar u ah in uu ka tago Borussia Monchengladbach, waxaana 28 jirkan xiisaynaya kooxaha Arsenal, Leicester City iyo West Ham. (Mail)

Tababaraha Newcastle United ee Steve Bruce ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu kooxdiisa sii joogo 21 jirka reer Egnaldn ee Joe Willock oo ay amaah kaga soo qaateen Arsenal. (Metro)

Manchester United waxay hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro 18 jirka kooxda Metz khadka dhexe uga ciyaara ee Pape Sarr oo u dhashay waddanka Senegal, laakiin waxa ku haysta oo kula loollamaya kooxo badan oo Yurub ah. (Sun).

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*