Man City Oo Bedelka Kane Ka Doonaysa Barcelona, Liverpool Oo Dalab Gudbisay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Jude Bellinghan ayaa heshiis kordhin kale oo laba sano ah u samayn doona Borussia Dortmund dhalashadiisa 18-aad. (Sun)

Manchester City ayay macquul tahay inay dareenkeeda u jeediso weeraryahanka Barcelona ee Antoine Greizmann oo ay bedelka Harry Kane ka dhigtaan. (Fichajes, in Spanish)

Wargaysyada

Manchester United ayaa heshiis cusub oo 3 sano ah u bandhigtay Jesse Lingard xilli uu 28 sano jirkaas khadka dhexe xiiso ka helayo West Ham Unite. (Mirror)

Liverpool ayaa xiisaynaysa saxeexa garabka weerar ee kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman iyaga oo la xidhiidhay cida maamulka u ah 25 sano jirkaas. (Sport 1 via Metro)

Inter Milan ayaa la xidhiidhay wakiilada Hector Bellerin oo Arsenal ka tirsan, Inter ayaa Bellerin ka dhiganaysa bedelka Achraf Hakimi oo PSG kaga biiraya. (Gianluca di Marzio, in Italian)

Khadka dhexe ee Arsenal iyo xulka Switzerland ee Granit Xhaka ayaa waxkasta sheegay balse kaliya aan xaqiijin heshiiska uu AS Roma ugu biirayo xilli uu qabanayay shir jaraa’id. (90 min)

Aaron Ramsey ayaa wali mustaqbal ka rajaynaya Juventus isla markaana aan isku dayayn inuu ka tago kooxda magaalada Turin ka ciyaarta. (Sky Sports)

Manchester United ayaa toddobaadka dambe la kulmaysa wakiilada 18 sano jirka kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga si ay heshiis ula gaadhaan. (RMC, via Mirror)

West Ham khadkdeeda dhexe ee Philippe Anderson ayaa ku laaban kara kooxdiisii hore ee Lazio kaddib markii ay kooxdaasi wadahadalo ay dib ugu doonayso furtay. (Mail)

Borussia Dortmund ayaa bar-tilmaameedsan doonta 19 sano jirka ree England iyo kooxda PSV ee Noni Madueke si ay bedel uga dhigato Jadon Sancho oo heshiis 77 Milyan oo pound ah ugu biiraya Man United. (Ruhr Nachrichten, in German)

PSV Eindhoven tababaraheeda Roger Schmidt ayaa xaqiijiyay in garabka weerar ee Donyell Malen uu kooxda ka tagayo xagaagan, Liverpool ayaa kamid ah kooxaha xiisaynaya. (NOS – in Dutch)

Khadka dhexe ee Leicester City ee Dennis Praet ayaa ku biiri kara Arsenal walow uu laba sano kahor iska diiday. (Express)

Brighton daafaceeda Ben White ayaa sheegay inuusan ogayn waxa xaqiiqo ka ah wararka sheegaya inuu heshiis 50 Milyan oo pound ah ugu biirayo Arsenal. (TalkSport)

Arsenal ayaa muujisay xiiso ay u qabto 23 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Renato Sanches iyaga oo kooxdiisa weydiistay inay usoo sheegaan waxa ka cusboonaada mustaqbalkiisa. (90 min)

Liverpool ayay kooxda Basel kasoo diiday dalab ay ku doonaysay 21 sano jirka weerarka ee Liam Millar iyaga oo ku doonaya wax ka badan 1 Milyan oo pound. (Goal)

Marcos Llorente ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay kooxdiisa Atletico Madrid isla markaana uu sii joogayo xagaagan. (AS, in Spanish)

Manchester United ayay dhigeeda Sevilla kasoo diiday dalab ay ku doonaysay saxeexa daafaca dhexe ee Joules Kounde. (Express)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*