Mahrez Oo Sheegay Xiddiga MUSLIMKA Ah Ee Ugu Duceeyay Goolkiisii Xalay & Sababta Uu Isagu Iskugu Arko Mid Goolkaas Khasaariyay

Garabka weerar ee kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa shaaca ka qaaday sababta uu isagu ugu arko laadkii xorta ahaa ee uu xalay kooxdiisa guusha ugaga keenay Paris Saint-Germain mid uu khasaariyay.

Xiddigii hore ee Leicester City ayaa laad xor ah qaybtii dambe ee ciyaartii ka dhacday Parc des Princes dhex dhigay shabaqa Keylor Navas isaga oo guul kusoo hoggaamiyay kooxdiisa isla markaana boos wacan u joojiyay inay markeedii ugu horreysay abid gaadho kulanka kama dambaysta ah ee CL.

Image

Laadka xorta ah ee uu Mahrez dhaliyay ayaa ahaa mid uu nasiib ku lahaa maadaama oo ay kubadda uu laagay ka dhex baxday xiddigaha Paris ee isku dhigayay inay darbadiisa celiyaan.

Riyad ayaa ciyaarta kaddib sheegay inuu doonayay inuu kubadda dhinac mariyo xiddigaha isku dhigayay  balse nasiib wanaag ay ka dhex baxday kaddib markii ay kaga beegantay sidaas darteedna uu isagu isku arko mid khasaariyay laadkaas xorta ah.

“Daacad ahaantii anigu waxaan doonayay inaan kubadda kasoo wareejiyo gidaarka dhinaciisa, waxay dhex martay laba ciyaaryahan nasiib wanaagna way dhalatay” ayuu yidhi Mahrez ciyaarta kaddib.

“Aad ayaan u faraxsanaa, anigu waan ogaa inaanu halkan ku guuleysan karno inaan natiijada kooxda 2-1 uga dhigaana waxay ahayd wax cajiib ah”

Goolka Mahrez ayaa dhammaystiray soo laabasho cajiib ah oo ay samaysay kooxda tababare Pep Guardiola oo goolka ay uga horreysay PSG kaddib kubad madax ah oo uu Marquinhos ka dhaliyay.

Mahrez ayaa markii uu goolka dhaliyay la dabaaldegay saaxiibkiisa kale ee Muslimka ah ee Benjamin Mendy kaas oo uu ciyaarta kaddib sheegay in sababta uu ula dabaaldegay ay ahayd in Mendy uu goolkaas ugu duceeyay ciyaarta kahor.

“Waxa uu goolkani ahaa sababta Ben (Benjamin Mendy), Alle ayuu weydiistay Allena waa i siiyay”

Manchester City hero Riyad Mahrez admits he 'MISSED' match-winning free-kick against PSG - News Chant UK

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Waad nooga farxisay goalkaas
    Ciyaarta xalay aniga keliya ayaa ka taageeerayey m.city ducada afka ayaan ku hayey

  2. Guul muhiim ah ayaa noo dhiibtay mr mahrez waqti aan ka wal wal saneyn bareejo hadhow nagu adkato ina psg gurigeena ku lafa gurno waad ku mahadsan thy waxan sugnaba waa wenbely ina mar kale nooga farxiso

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*