Madaxweyne Macron Oo Maanta Hadlay: “Benzema Waxa Ku Dayda Carruurta Tahriibeyaasha, Mbappe na Hooyadii & Aabbihii Ayaa…”

Madaxweynaha waddanka Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta booqday xarunta tababarka ay ku qaadanayaan ciyaartoyda dalkaas ee Clairefontaine, halkaas oo ay iskugu diyaarinayaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.

Gellinkii dambe ayuu Khamiista ayuu Emmanuel Macron u tegay ciayartoyda oo tababarka qaadanaya si uu ugu dhiirigeliyo inay guul ka keenaan Euro, isagoo gacan-qaaday Karim Benzema oo uu waqtiyada qaarkood warbaahinta ka eedeeyey intii ay socotay dacwaddii laacibkan lagaga caydhiyey xulka qaranka.

Emmanuel Macron ayaa sawirro la galay ciyaartoyda iyo tababare Didier Deschamps, waxaana intii uu ku sugnaa xarunta tababarka makafaroonka hoos qabtay telefishanka BFM TV oo dhawr su’aalood weydiiyey.

Su’aalaha ugu mudnaa ee la weydiiyey ayaa ahaa Karim Benzema iyo Kylian Mbappe, sidoo kalena horumarka ay samaynayso kubadda cagta Faransiiska.

Benzema oo uu ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Karim Benzema waxyaabo ayuu metelaa. Midda ugu horreysa, waa ciyaartoy wanaagsan oo Champion ah. Dad badan oo da’doodu yar tahay oo muhaajiriin asalkoodu yahay, Karim Benzema ayaa u ah qofka ay kaga daydaan guusha. Waa ciyaartoy caqli badan, aad ayaanan ku faraxsanahay inaanu halkan isku helnay, tababaruhuna wuxuu qaatay go’aan sax ah {inuu Benzema dib ugu soo celiyo qaranka}. Karim wuxuu calaamad u yahay waddanka.”

Intaas kaddib ayuu ka jawaabay su’aal laga weydiiyey Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: “PSG waa koox aad u weyn oo kortay, waxaana muhiim ah inuu Mbappe sii joogo kooxdan iyo horyaalka Faransiiska. Intaa kaddib, anigu waligay ciyaartoy cadaadis ma saarayo {si uu usii joogo}, iskumana dayayo sababtoo ah waa dookh shaqsi ah oo waan ixtiraamayaa, waana horuamr xirfadeed. Isagu wuu da’yar yahay, waa laacibka ugu da’da yar kooxdan {Xulka qaranka} ee ay malaayiin rag iyo dumar Faransiis ahi jecel yihiin. Waxa cajiibka ahi waa tayadiisa ciyaartoy ahaan iyo farsamadiisa oo ay ciyaartooyda wanaagsan oo kali ahi leeyihiin. Waa sidii Platini ama Zizou.

“In ka sokow, waa wiil qurux badan oo da’diisa qaan-gaadh ku ah. Waxa qiyamkiisa koriyey hooyadii iyo aabbihii, waxay tahay inuu sameeyo jimciyad uu ku caawiyo dadka da’da yar. Waxa kale oo aan uga mahad-celinayaa kaalintii uu ku lahaa tallaalka (fayraska)”.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

    • Dadkan Warkan So Qoray Ma Dhiman Yahay mase Ciwanka waxa ku xusan iyo Qormada Sida Uu U Dhahay Uma Dhihin Makron Muhaajirinta haku daydan iyo Tahriba yasha ayuu ku dayda Mbebe wuxu ku dayda hooyadis iyo aabihis war maanta igu dambeso lacib qaladaadkina waa batay lacag waye dantina siday tahayna howshina ima qabsatan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*