Maba Baqayaan!! LABADA Xiddig Ee Man United Ka Tirsan Ee Taageeray Jamaahiirtii Kasoo Horjeeday Qoyska Kooxda Leh Oo La Magacaabay

Labada xiddig ee kooxda Manchester United ee Eric Bailly iyo Dean Henderson ayaa lagu soo warramayaa inay taageereen qorshaha ay jamaahiirta kooxdoodu kaga soo horjeedaan mulkiilayaasha kooxda ee Glazer Family.

Qaar kamida jamaahiirta kooxdaas ayaa iyaga oo gadoodsan shalay galay xerada tababarka ee kooxda ee Carringhton iyaga oo ugu dambayn halkaas kula hadlay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo usoo baxay.

Manchester United now have a chance to trial their new defensive triangle - Samuel Luckhurst - Manchester Evening News

Man United ayaa kamid ahayd kooxaha boggaga hore ee saxaafada haystay muddooyinkan ugu dambeeyay iyaga oo kamid ahaa kooxihii ku biiray horyaalkii dhicisoobay ee Eurppean Super League.

Akoonka Twitter-ka ee Red Issue oo ahaa midka xogta ugu badan ee kacdoonkii taageerayaasha Red Devils laga soo xigtay ayaa sheegaya in Hendo iyo Bailly ay ahaayeen xiddigaha kooxda ee taagnaa wadada inta ay taageerayaashaasi ka tagayaan.

Solskjaer ayaa marka uu la kulmay jamaahiirtaasi ay waydiiyeen sababta uu uga hadli laayahay qoyska Glazer ee uu u yahay mid uga aamusan.

Taageerayaasha ayaa xasuusiyay Ole inuu kamid ahaa ciyaartoydii kasoo horheeday in qoyskaasi la wareego kooxda sanadkii 2005 balse uu hadda yahay mid amaana markasta.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*