Premier League Oo Warbixin Kasoo Saaray Sababtii Rasmiga Ahayd Ee Loo Diiday Goolkii Man United Ee Muranka Dhaliyey

Maamulka Garsooreyaasha Premier League ee magacooda loosoo gaabiyo PGMOL ayaa ka hadlay sababtii rasmiga ahayd ee loo diiday goolkii uu Edinson Cavani u dhaliyey Manchester United qaybta hore ee kulankii ay ku garaaceen Tottenham.

Cavani ayaa gool u dhaliyey Manchester United daqiiqaddii 36aad, waxaase garsoore Chris Kavanagh looga yeedhay muraayadda garoonka agtiisa ku taalla ee VAR, si uu go’aan uga gaadho goolkaas oo muran ka dhashay.

Garsoore Chris Kavanagh ayaa garoonka kusoo laabtay isagoo beddelay go’aankiisii hore ee uu ku ogolaaday goolka Cavani, waxaana uu shaaciyey in Scott McTominay uu qalad ku galay Heung-min Son ka hor intii aanay kubaddu gaadhin Paul Pogba oo isaguna usii dhiibay Cavani oo dhaliyey goolka.

McTominay ayay gacantiisu wajiga kaga dhacday Son oo isaguna dhulka isku tuuray, waxayna muuqaalladii soo celintu muujiyeen in gacantu taabatay Son, sidaas darteed ayaanu Chris Kavanagh goolka u diiday.

Go’aankan ayaa waxa ka dhashay muran, waxaana markiiba si cad uga hadlay halyeyga Manchester United ee Roy Keane oo ku tilmaamay mid layaable, isagoo yidhi: “Taasi ma noqon karto qalad.”

Waxa uu Keane weeraray Heung-min Son oo uu ku eedeeyey in uu dhulka iskugu tuuray, aadna u cabaadayo iyadoo aanay waxba ku dhicin, waxaanu laacibkan kula taliyey in aanu samaynin arrimahaas.

Difaacii hore ee Manchester City ee Micah Richards ayaa isaguna go’aanka garsoore Chris Kavanagh ku diiday goolkaas, waxa uu ku tilmaamay mid ceeb ah, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in kubadda cagtu noqonayso wax lagu qoslo iyo maad mar haddii waxyaabaha noocaas ah loo diidayo gool marka hore la ogolaaday.

Si kastaba, David Jones oo fadhiyey istuudiyaha Sky Sports ayaa akhriyey war-saxaafadeed uu waqtigii nasashada soo saaray maamulka Garsooreyaasha Premier League ee PGMOL.

War-saxaafadeedka PGMOL ayaa lagu yidhi: “{Sida uu gacantiisa dib ugu saydhay} may ahayn qaabka dabiiciga ah ee McTominay uu u ordo ama u dhaqaaqo, waxaanay ahayd qayru-masuulnimo.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*