Maaha Sterling!! – Gary Neville Oo Ciyaartoy Lama Filaan Ah U Doortay Midka Ilaa Haatan Ugu Wanaagsan England

Halyeeyga xulka qaranka England ee Gary Neville ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in goolhaye Jordan Pickford uu yahay xiddiga ilaa haatan ugu wanaagsan dalkaas tartanka Euro 2020 oo ay ilaa wareega siddeeda kasoo gaadheen.

Goolhayaha kooxda Everton ayaa shabaqiisa soo ilaashaday dhammaan afarta kulan ee uu ilaa haatan kasoo ciyaaray xulka saddexda libaax tartanka Euro iyaga oo ciyaartii ugu dambaysay 2-0 ku suul-daaray Germany oo xifaaltan taariikhi ahi mudo kala soo dhaxeeyay.

Pickford

Pickford ayaa ilaa haatan 377 daqiiqo aan wax gool ah laga dhalin inta uu Euro socday isaga oo badbaadiyay dhammaan 10 darbo oo lala soo bar-tilmaameedsaday goolkiisa.

Marka laga yimaado qaladaad uu joogto ugu soo samaynayay Everton xilli ciyaareedkii hore, Pickford ayaa haystay kalsoonida tababare Gareth Southgate iyagoo haatan imtaxaanka xiga ee wareega siddeeda ku maraya kulan ay Ukraine la ciyaarayaan.

Gary oo amaanaya Jordan ayaa bartiisa Twitter-ka ku yidhi “Xiddiga aan anigu u arkayay midkii ugu fiicnaa habeen hore (Kulankii Germany) waxa uu ahaa Jordan Pickford waxaanan sidoo kale filayaa inuu ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan England tartanka ilaa haatan”

“Waxaan ahaa mid isaga eedeeya markii uu Everton u ciyaarayay laakiin marka uu joogo England isagu waa ciyaartoy ka duwan”

Neville ayaa aragtidiisan ku diiday Raheem Sterling oo soo dhaliyay 3 gool oo kamida 4 uu xulka oo dhani ilaa hadda kasoo dhaliyay Euro.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*