Maaha Kuwaad Filayso!! – John Terry Oo Tilmaamay Daafaca Cajiibka Ah Ee Premier League Ka Ciyaara Balse Aan Amaan Badan Helin

Halyeeyga kooxda Chelsea haatana kamida shaqaalaha tababarka kooxda Aston Villa ee John Terry ayaa tilmaamay daafaca aadka u fiican ee horyaalka Premier League ka ciyaara balse aan marnaba helin aqoonsiga iyo amaanta uu u qalmo.

Tabababare ku xigeenka Aston Villa ayaa ka dhacay daafaca dhexe ee Jonny Evans kaddib markii uu gool ka dhaliyay West Bromwich Albion dhawaan kulann ay Leicester City 3-0 ku badisay.

Leicester open talks with Jonny Evans over new contract - The Athletic

Kabtankii hore ee xulka qaranka England ayaa amaanta ka haysan waayay Evans isaga oo barihiisa bulshada gaar ahaan barta Instagram ku muujiyay sida uu ula dhacsan yahay.

John ayaa qaybta maalinlaha ah ee Instagram soo dhigay sawirka Evans oo goolkaas u dabaaldegaya isaga oo soo raaciyay qoraalka ah “Intee ayuu fiican yahay Evans? daafaca aan inta ugu badan aadka loo qiimayn ee Premier League”

Evans ayaa kasoo caawiyay Leicester City kulankaas saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay kusii xejisanayaan kaalmaha Champions League loogu soo baxo iyagoo hadda 59 dhibcood ku jooga booska saddexaad.

Daafaca heer caalami ee xulka Northern Ireland ayaan inta ugu badan helin amaan ku filan balse udub dhaxaad usoo ahaa kooxda tababare Brendan Rodgers kaddib 26 kulan oo uu horyaalka uga soo ciyaaray.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*