Ma Sidanaa U Dambaysay? Cristiano Ronaldo Oo Samirkii Ka Dhammaanayo & Xaalada Ceebta Ah Ee Uu Suuqa Kaga Jiro

Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus ayaa ah kuwo wada qaadanaya wakhti adag oo dhinaca natiijooyinka kulamada, dhinaca dhaqaalaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeya intaba ah taas oo xaalada qolka labiska kooxdaas ka dhigaysa mid aan fiicanyn.

Weeraryahankii hore ee Real Madrid ayaa ah mid raadinaya qorshihii uu kaga bixi lahaa kooxdaasi balse dalabaadka u imanaya ayaan ahayn kuwo u dhakhso badan sida uu jeclaan lahaa.

Arrinta yaabka leh iyo xaalada uu suuqa kaga jiro Ronaldo ayaa ah inaysan jirin wali wax kooxo ah oo dalab kasoo gudbiyay, sidoo kale CR7 ayaa isagu adeegiisa u bandhigay Real Madrid halkii ay kooxdu kasoo dalban lahayd iyadoo kooxda caasimada Spain ay heshiis ay kusoo ceshanayso u aragto wax aan macquul ahayn.

36 sano jirkaas ayaa si weyn ugu xiisay Madrid oo ahayd goob lagu ixtiraami jiray lagana jeclaa isaga oo dareensan inuu wali xidhiidh fiican la leeyahay madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez.

Si kastaba, waa Manchester United kooxda kale ee lala xidhiidhinayaa oo sidoo kale ah kooxdiisii hore. Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa xidhiidh fiican la leh maamulka United, walow uu adkaan doono heshiis uu ugu wareegayo kooxdaasi haddana albaabka ayaa wali u furan.

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa ah koox kale oo ay macquul tahay in Ronaldo ku biiro, Paris ayaa buuxinaysa shuruuda Ronaldo ee ah inuu wali heerka ugu sarreeya ka ciyaari doono oo uu Champions League u tartami doono.

Dabcan ma jiraan wax muujinaya in mid kamida heshiisyadaasi ay qabsoomi doonaan, wakhti xaadirkan Ronaldo ayay tahay inuu diirada saaro qoshaha uu Bianconeri ugu soo saarayo Champions League xilli ciyaareedka dambe,

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

    • Zxp xagee ka gubanaysaa barcelona iyo ronaldo mxa isaga xiran haduu dabiin yahay awalba kubad ma usan aqoon ee wa xogsan jirey xogiina ka dhamaa hada mxa tahay dhibta ku haysata farqiga isaga iyo messi u dhexeeye messi koox kasta waxay u hureysaa dhaqaale kasta lkn isaga cidna ma rabto kooxdiisiina europeleague bay ka ciyaareysaa insha allh

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*