Ma Run Baa In Laba Rikoodhe Laga Diiday Barcelona Kulankii Real Madrid

Barcelona ayaa guul-darro kala soo laabatay garoonka Alfredo Di Stefano, waxaana 2-1 kaga badisay Real Madrid oo la wareegtay hoggaanka horyaalka LaLiga.

Los Blancos ayaa qaybtii hore weerarro rogaal-celis degdeg ah ku qaadday Barcelona, kuna heshay laba gool oo midkood laad xor ahaa oo ay kala dhaliyeen Karim Benzema iyo Toni Kroos, halka Barcelona ay goolkeeda madiga ah heshay qaybtii dambe.

Kooxda martida ah oo qaybtii dambe fursado badan heshay, balse nasiibku ka saacidi waayey, ayaa muran ka keentay go’aamadii garsoore Jesus Gil Manzano ee kulanka garoon.

Daqiiqaddii 38aad ee ciyaarta ayay Barcelona ku doodday in rikoodhe la siiyo markaas oo xerada ganaaxa uu ku dhacay Ousmane Dembele oo ay kubadda ku xafiiltameen Ferland Mendy, laakiin garsooraha ayaan waxba kasoo qaadin dooddaas.

Mar kale ayay Barcelona mudaharaad caadi ah kala hor tagtay garsoore Jesus Gil Manzano  oo iskaga aamusiiyey kaadh digniin ah oo uu siiyey Jordi Alba, waxaanay sababtu ahayd in ay dalbanayeen rikoodhe iyo in loosoo daawado VAR kaddib markii uu xerada ganaaxa ku dhacay Martin Braithwaite oo beddel kusoo galay, iyadoo uu gacanta qabtay Ferland Mendy laakiin dhab ahaantii aan qalad ku gelin.

Kaddib go’aamada Jesus Gil Manzano, Garsoorihii hore ee horyaalka LaLiga ee Juan Andujar Oliver ayaa sharraxaad ka bixiyey dhacdooyinkan, gaar ahaan midka hore maadaama kan dambe ay iska caddayd in Braithwaite uu is-tuuray.

Juan Andujar Oliver oo warbaahinta Spain la hadlayay ayaa yidhi: “Ma jirin wax lagu sameeyey Ousmane Dembele. Kaliya wuu dhacay.”

Isaga oo dhacdada labaana ka hadlayey, waxa uu Juan Andujar Oliver yidhi: “Garsooruhu mar kale ayuu saxsanaa. Waxa  jirtay woxoogaa taabasho ah oo uu Mendy sameeyey, laakiin may ahayn wax ku filan in rikoodhe lagu dhigo.”

Si kastaba, Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan labadii jeerba ka badisay Barcelona, waana markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2007/08 ee labada garoonba ay kulan LaLiga ah ku badiso Real Madrid.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*