MA AAMINAYSID!! – Lamaane Kasoo Jeeda Germany & England Oo Kulankii Xalay Qirshasho Waali Ah Ku Dhex Sameeyay

Kulankii xalay gegida Wembley Stadium ku dhex maray xulalka England iyo Germany ayaa ahaa mid uu xulka saddexda libaax ugu gudbay wareega siddeed dhammaadka ee tartanka balse lamaane kamida dadkii garoonka daawanayay ayaa sameeyay hadal hayn badan.

Lamaanahaas oo kala taageerayay kana soo kala jeeday labada dal ayaa qoraalka boodh ay siteen ku qirtay in natiijada kulankaasi ay ku hoggaamin karto furriin iyo kala tag ay kala tagaan.

Image

Labada xul ayaa xalay dib usoo nooleeyay tartanka iyo xifaaltanka kasoo dhaxeeyay sanadaha badan, xulka England oo aan wax guul ah ka gaadhin Germany tan iyo 1966 ayaa markan 2-0 libinta ku helay kaddib goolal ka kala yimid Raheem Sterling iyo Harry Kane.

Labada xul ayaa kulmayay markoodii ugu horreysay ee ay tartan rasmi ah ku kulmaan tan iyo 2010 markaas oo Germany ay 4-1 uga adkaadeen England.

Natiijadaas ayaa noqon karta mid kala dirta lamaanahaas oo shalayba kusii kala qaybsanaa taageerahooga garoonka dhexdiisa, ninka ayaa taageere u ahaa England halka ay xaaskiisu taageeraysay Germany.

Ninkaas oo xidhnaa maaliyadii martida ee xulka England 1996 iyo gabadha oo xidhnayd maaliyada mininka ee Germany ayaa taagnaa kuraasta sarre ee Wembley Stadium iyaga oo sita boodhka ay ku qorantahay “Tani furriin ayay ku dhammaan kartaa”

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*