Lix Ciyaartoy Oo Laf-dhabar U Ah Liverpool Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulanka Manchester United Ee Axadda

Jurgen Klopp ayaa mar kale xulashadu ku adkaan doontaa marka uu Axadda ka hor tago Manchester United oo ay marti ugu noqon doonaan Old Trafford.

Liverpool oo kaalinta toddobaad kaga jirta horyaalka Premier League, una baahan in ay hesho guul si ay afarta sare u hiigsan karto iyadoo horyaalkuna gabogabo ku dhow yahay, waxay u tegi doontaa Manchester United galabnimada Axadda, waxaana sugaysa shaqo adag oo ah in ay saddexda dhibcood dagaal adag u galaan.

Reds oo xilli ciyaareedkan ay dhaawacyo daashadeen, waxa kulankan ka maqnaan doono ciyaartooyo badan oo la’aantoodu ay hoos u dhigayso tayadii kooxda iyo fursadihii ay ku guuleysan kari lahaayeen.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisa inta badan xilli ciyaareedkan ka maqnaayeen Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip, taas oo ku keentay qalalaase difaac oo keenay in iyagoo hoggaanka horyaalka jooga ay mar kaliya hoos usoo dhacaan.

Ciyaarta Axadda, waxa ka maqan saddexda difaac oo lagu daray kabtan Jordan Henderson oo isaguna horyaalka xilli ciyaareedkan qaybtiisii dambe macasalaameeyey, walina aan la garanayn waqtiga uu soo laabanayo.

Labada laacib ee hore ee Van Dijk iyo Joe Gomez ayaa jilibka dhaawacyo kasoo gaadheen xilli ciyaareedka oo bilow ah, waxaana lagu sameeyey qalliinno aan wali si rasmi ah loo ganayn waqtiga ay kasoo laabanayaan, halka Joel Matip isagana kuraanta dhaawac ka gaadhay iyo kabtan Jordan Henderson oo muruqa ah.

Dhaawacii ugu dambeeyey ee dhibaatada ku noqday Liveprool ayaa ah Nat Phillips oo khadka difaaca si ku-meelgaadh ah ugala ciyaarayay Ozan Kabak, waxaana uu ka maqnaa dhawrkii ciyaarood ee ugu dambeeyey, hase yeeshee kulanka Manchester United oo la filayay in uu soo kabto ayaa uu ka maqnaanayaa.

Tababare Klopp oo la weydiiyey haddii xiddigaha dhaawaca kaga maqan kooxdiisa ay wax iska beddeleen ayaa yidhi: “Maya, maya. Dhamaantood waa sidii.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Klopp intaas raaciyey: “Ma garanayo ereyo ku filan oo English ah oo aan ku sifeeyo. Van Dijk wuu ordi karayaa, Hendo (Jordan Henderson) wuu ordayaa, Joe (Gomes) wuu odayaa, Joel (Matip) wuu hordayaa, waanay soo kabanayaan.”

Shantaas ciyaartoy ee sare ku xusan, waxa kale oo soo raacay weeraryahanka reer Belgium ee Divock Origi oo isaguna dhaawac ah oo aan wali soo kabanin, isla markaana seegaya ciyaarta Axadda ay martida u yihiin Manchester United.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*