Liverpool Oo Weeraryahan Premier League Ah Doonaysa, Chelsea Oo Daafac Xulatay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Halyeeyga Arsenal ee Patrick Vieira ayaa ah mid kamida murashaxiinta jagada tababarenimo ee Crystal Palace haddii uu 73 sano jirka macalinka u ah kooxdaas ee Roy Hodgson go’aansado inuu kooxda ka tago xagaaga, Vieira ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo December markii uu Nice ka hayaamay. (Athletic, subscription required)

Tottenham Hotspur ayaa tababaraha 33 sano jirka ah ee Julian Nagelsmann u dooratay tababaraha ay xagaaga ku bedelayso Jose Mourinho oo ay shalay caydhisay. (Mail)

Nagelsmann ayaa iman kara London kahor dhammaadka xilli ciyaareedka walow uu RB Leipzig kula jiro heshiis laba sano oo kale ah. (Sun)

Jose Mourinho ayaa ahaa mid kasoo horjeeday heshiiska ay amaahda dib ugula soo saxeexatay Tottenham Gareth Bale oo 31 sano jir ah. (Telegraph, subscription required)

Liverpool ayaa doonaysa weeraryahanka Aston Villa ee Ollie Watkins kaas oo saxeexa ugu qaalisan ee abid ay Villa samaysay siddeed bilood kahor ku noqday 28 Milyan oo pound.. (Football Insider)

West Ham United ayaa ah kooxda hoggaaminaysa saxeexa weeraryahanka Sevilla ee Youssef En-Nesyri walow Man United iyo Liverpool sidoo kale lala xidhiidhinayay 23 sano jirkaas ree Morroco. (La Razon – in Spanish)

Xiisaha Chelsea ee saxeexa daafaca dhexe ee Bayern Munich ee Niklas Sule ayaa heer sarre gaadhay iyagoo Blues muhiimadooda koowaad ka dhigtay. (Athletic, subscription required)

Barcelona ayaa rajaynaysa inay heshiis amaah ah ku dirto 21 sano jirka kooxdeeda ee Riqui Puig xagaaga soo socda waxaana ay dalabaad uga heleen kooxo ka kala socda Premier League, Italy, Germany iyo Portugal. (Sport – in Spanish)

Bayern Munich ayay ka go’antahay inay la saxeexato khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga kaas oo sidoo kale xiiso ka helay Real Madrid. (France Football)

Weeraryahanka Roma ee Eden Dzeko ayaa wali bar-tilmaameed u ah Inter Milan xagaaga kaddib markii ay ku fashilmeen inay 35 sano jirkaas la saxeexdaan bishii January. (Calcio Mercato – in Italian)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*