Liverpool Oo Soo Gashay Kaalinta Afraad, Alexander-Arnold Oo Waqtigii Dhimashada Dilay Aston Villa Iyo VAR Oo Abuurtay Muran

Liverpool ayaa soo gashay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League kaddib markii ay guul cidhiidhi ah ka gaadhay Aston Villa oo ay kaga aarguteen Anfield oo horraantii xilli ciyaareedka xasuuq usoo geysatay.

Kulankan oo ay Liverpool iska lumisay fursado badan oo dahabi ahaa, ayaa waxa gool la hormartay Aston Villa oo dhamaadka qaybtii hore uu gool u dhaliyey Ollie Watkins, hase yeeshee Reds ayaa kaga jawaabtay gool uu u saxeexay Roberto Fimino, balse VAR ayaa diidday kaddib markii ay soo baxday in Jota uu xoogaa yar oo offside ah ku jiray.

Mohamed Salah ayaa barbarraha u keenay kooxdiisa qaybta labaad, isagoo madax ku qabtay kubbad uu Jota goolhayaha faraha ku caseeyey, waxaana waqtigii dhimashada ee daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta goolka guusha u keenay Liverpool difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold.

Liverpool ayaa sidaas kusoo gashay kaalinta afraad ee  horyaalka, waxaanay isku dhibco yihiin West Ham United oo Axadda la ciyaaraysa Leicester City, laakiin Reds ayaa booskan ka bixi doonta haddii Chelsea, Tottenham ama West Ham ay guulo kasoo hooyaan kulamadooda.

Shaxdii labada kooxood

ASTON VILLA XI (4-2-3-1): Emiliano Martinez; Matty Cash, Ezri Konsa Ngoyo, Tyrone Mings, Matt Targett; Douglas Luiz, Marvelous Nakamba; Bertrand Traore, John McGinn, Trezeguet; Ollie Watkins.

Kaydka: Anwar El Ghazi, Keinan Davis, Tom Heaton, Ross Barkley, Ahmed El Mohamady, Bjorn Engels, Neil Taylor, Jacob Ramsey, Kortney Hause.

LIVERPOOL XI (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Nathaniel Phillips, Ozan Kabak, Andy Robertson; James Milner, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Diogo Jota.

Kaydka: Adrian, Konstantinos Tsimikas, Alex Oxlade-Chamberlain, Ben Davies, Rhys Williams, Sadio Mane, Naby Keita, Xherdan Shaqiri, Thiago Alcantara.

Jurgen Klopp ayaa laba beddel ku sameeyey safkii uu usbuucii hore kula ciyaaray Real Madrid, waxaanu keenay James Milner iyo Firmino oo kala beddelay Naby Keita iyo Sadio Mane.

Ka hor intii aanu ciyaartuba bilaabmin, Liverpool ayay gubaysay xasuusta xun ee xasuuqii ay Aston Villa bilowgii xilli ciyaareedka ugu soo geysatay Villa Park oo ay kusoo garaacday 7-2, waxaanay Reds ku fikiraysay sidii ay uga aargudan lahayd.

Weerarkii ugu horreeyey ayey Liverpool ku qaadday Aston Villa daqiiqaddii shanaad, waxaanu Mohamed Salah fursad ka helay Matty Cash, isagoo soo galay xerada ganaaxa, waxaana uu toogtay goolha hase yeeshee goolhaye Martinez ayaa labada gacmood u adeegsaday sidii uu u joojin lahaa kubaddaas.

Fursad kale oo weyn ayay Liverpool iska lumisay daqiiqaddii 13aad, markaas oo Mohamed Salah ay isku kaliyeysteen goolhaye Martinez, waxaana Salah uu kubbadaas ka dhigay dhinaca hase yeeshee birta ayay dhinaca ka martay.

Fursadaha ay Liverpool helaysay ayaa qaybta  dambe badnaa, waxaana inyar kaddib khasaaraha Salah, khadka dhexe kubbad iskaga soo dhiibay Alexander-Arnold iyo Firmino, waxaase kubaddaas joojiyey Konsa.

Badbaado kale oo weyn ayay Aston Villa samaysay daqiiqaddii 31aad, waxaana kubbad uu Fabinho daadihinayay qalad ku galay McGinn, taas oo uu qaatay Alexander-Arnold oo isaguna goolka ku toogtay, balse Martinez ayaa faro ciddidood kaga saaray.

GOOOAAAAALLLL!!!!! Aston Villa  ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana kubbad uu kubbad uu Watkins uu u dhiibtay McGinn uu dib ugu soo celiyey isagoo dhex jooga laba difaac oo Liverpool ah, waxaanu laacibkani awood u yeeshay in uu kubadda ku liishaamo goolhaye Alisson oo ay ka hoos baxday. Villa ayaa qaybta hore oo sii dhamaanaysa ciyaarta ka dhigtay 1-0.

VAR & DAQIIQADDII MURANKA: Liverpool ayaa heshay goolka barbarraha, qaybta hore oo laba daqiiqadood oo dheeraad ah lagu daray, waxaana u saxeexay Roberto Firmino, hase yeeshee dabbaal-deggu markii uu dhamaaday ayaa garsooraha lagala soo hadlay qolka hubinta ee VAR.

Ku cel-celin badan kaddib, VAR ayaa soo saartay in Diogo Jota uu offside ku jiray, waxyarna uu ka horreeyey Cash ka hor intii aanu goolku dhalanin.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay Aston Villa ku hoggaaminaysay ciyaarta.

Liverpool ayaa isasoo canaanatay qaybtii dambe, waxaanay xoogga saareen weerarka, laakiin khadkooda dhexe oo liitay, iyo Villa oo weeraryahanno orod badan ay u ciyaarayeen ayaa mar walba ay halis weyn ku galayeen.

Daqiiqaddii 57aad ayay Liverpool heshay goolka barbarraha, waxaana kubbad awood badan oo uu Diogo Jota ku toogtay goolka isku dayey in uu joojiyey goolhaye Martinez oo ay qasab ku dhaaftay, waxaana madax ku qabtay Mohamed Salah oo ka dhigay 1-1.

TAATIIKH: Goolka babarraha ah ee uu Salah dhaliyey ayaa Liverpool u ahaa midkii ugu horreeyey ee Premier League ah ee ay ku dhaliso garoonkeeda ciyaart furan muddo 765 daqiiqadood ah, waxaana ugu dambaysay bishii December oo uu Sadio Mane ka dhaliyey West Brom.

Aston Villa ayaa ku dhowaatay in ay mar kale hoggaanka qabsato, waxaana kubbad layaab lahayd ay ka jareen birta, taas oo markii ay soo noqotayna uu Trezeguet ku qabtay madax, balse ay waxyar dhinaca ka martay.

GOOOAAAALLLLL!!!! ALEXANDER-ARNOLD  ayaa dhaliyey!!!! – Xherdan Shaqiri oo beddel kusoo galay ayaa kubbad uu Thiago u dhiibay, waxa uu kasoo jabiyey dhinaca midig isagoo lugtiisa diciifka ah ee bidix adeegsanaya, waxaana iska difaacay Cash, hase yeeshee waxay u tagtay Alexander-Arnold oo dhinaca bidix jooga, kaas oo kubbad awood badan oo xeego ah ku toogtay goolka, kuna ruxay shabaqa.

Alla muxuu gool ahaa!!! Goolka Alexander-Arnold ayaa dhashay daqiiqaddii 91aad ee waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray, waxaana ugu dambaysay in laacibkani uu dhaliyo gool noocan oo kale ah muddo aan dhoweyn.

Sadio Mane oo beddel kusoo galay ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay khasaariyey fursad qaali ah, waxaana kubbad uu u dhiibi karayay saaxiibbadii oo goolhayaha ay isku kaliyeysteen uu doortay in uu isagu toogto, taas oo uu Martinez gacanta u geliyey. Alla maxay ahayd fursad khasaartay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Liverpool.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*