Liverpool Oo Shan Bilood Ka Hor Loo Sheegay In Erling Haaland Uu Imanayo Anfield

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shan bilood ka hor loo sheegay in xiddiga reer Norway ee Erling Haaland uu iman doono Anfield oo uu ka mid noqon doono ciyaartoygeeda.

Laacibkan ay aadka u doonayaan kooxaha waaweyn ee Yurub kaddib xilli ciyaareed iyo badh uu joogay Borussia Dortmund oo uu goolal ku qarqiyey kooxihii uu ka hor tegay, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa Chelsea, Manchester United, Manchester City, Real Madrid iyo Barcelona.

Borussia Dortmund ayaa ku adkaysanaysa in ay doonayso in ay sii xajisato dhaliyaheedan, haddii ay dhacdo in ay weydana waxay ku xidhay £127 milyan oo Gini oo ay tahay in ay bixiso kooxda doonaysa.

Wakiilka Haaland ee Mino  Raiola iyo aabbihii Alf-Inge ayaa shalay kulamo la yeeshay Barcelona iyo Real Madrid oo ay ugu tageen waddanka Spain, waxaana wada-hadalkooda ay ku faaqideen sidii uu laacibkani ugu biiri lahaa naadiyadaas, hase yeeshee  maanta ayay haddana u duuleen waddanka Ingiriiska oo ay wada-hadallo kale kula yeelanayaan afarta kooxood ee ugu waaweyn.

Raiola iyo Alf-Inge ayaa  la filayaa in marka ay kasoo laabtaan UK ay la kulmi doonaan madaxda Borussia Dortmund oo ay iyagana isku dayi doonaan in ay ku qanciyaan in laacibkan la iibiyo xagaaga, si uu u tago koox weyn oo ka caawin karta in uu ku guuleysto Champions League, taas oo isagana u sahli doonta hanashada Ballon d’Or.

Si kastaba, halyeygii reer Germany ee Lothar Matthaus ayaa shan bilood ka hor sheegay in Haaland uu ka degi doono Premier League oo uu u ciyaari doono Liverpool, isagoo yidhi: “Anfield ayaa ah meesha uu ka degi doono.

“Koox kasta ayuu u ciyaari karaa. Maskaxdiisa, doonistiisa iyo kalsoonida uu ku qabo naftiisa waxa uu noqon doonaa calaamadda kubadda cagta Yurub ee tobanka sannadood ee soo socda.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*