Liverpool Oo Heshiiska Daafac Bir Ah Dhammaysay, Arsenal Oo Ka Bixitaankii Super League Galaaftay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Liverpool ayaa dhigeeda RB Leipzig kala heshiisay iibka daafaca dhexe ee Ibrahima Konate oo ay bixinayso lacagta heshiiskiisa lagu jabin karo ee 34-ka Milyan ee pound ah. (Fabrizio Romano on Twitter)

Madaxweynaha cusub ee Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka shaqaynaya heshiis cusub oo saaddex sano ah oo uu ka saxeexayo Lionel Messi oo heshiiskiisii hore xagaaga dhacayo. (ESPN)

Juventus weeraryahankeeda Cristiano Ronaldo oo 36 sano jir ah ayaa xiisaynaya ku laabashada Man United ee xagaagan. (Gazzetta dello Sport – in Italian)

Arsenal ayaa ka baqanaysa inay 22 sano jirka kubad sameeyaha u ah ee Martin Odegaard oo amaah kula jooga waayi doonto kaddib markii ay iskaga baxday European Super League oo ay kooxaha hoggaaminaya kamid ahayd Real Madrid oo uu Odegaard kasoo maqan yahay. (Sun)

Sheffield United tababaraheeda kumeel gaadhka ah ee Paul Heckingbottom ayaa rajaynaya in kooxdaasi dhawaan heerka labaad uga dhacday Premier League uu sii joogi doono 23 sano jirka lala xidhiidhinayo Arsenal iyo Tottenham ee Sander Berge (Sheffield Star)

Barcelona ayaa isku dayaysa inay 18 sano jirka khadka dhexe ee ree France ee Kays Ruiz-Atil kooxdeeda kusoo celiso xilli heshiiskiisa PSG uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Goolhayaha dookha saddexaad ee Man United ee Lee Grant oo 38 sano jir ah ayaa iskaga tagaya kooxdaas xagaaga kaddib markii uu dareemay in kooxdu aysan heshiis cusub siinayn. (Mail)

Madaxa fulinta Man United ee Ed Woodward oo dhawaan shaaciyay inuu kooxda ka tagayo dhammaadka 2021 ayaa la filayaa inuu doorto shaqsiga isaga bedelaya kahor bixitaankiisa. (Manchester Evening News)

Newcastle ayaa u baahan doonta inay Arsenal lacag 20 Milyan oo pound ah siiso haddiiba ay heshiis rasmi ah kula wareegayso Joe Willock oo aamaah kula jooga. (Telegraph – subscription required)

Daafaca Portuguese-ka ah ee Manchester City ee Pedro Porro oo amaah kula jooga Sporting Lisbon isla markaana 21 sano jir ah ayaa xiiso ka helaya Real Madrid. (AS – in Spanish)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*