Liiska Ciyaartoyda Chelsea Ku Dagaal-gelayso 2021/22, Haaland, Rice, Traore & Xiddigaha Ku Jira Qorshaha Blues

Warbaahinta Ingiriiska ee u janjeedha dhinaca Chelsea ayaa shaacisay magacyada 25ka xiddig ee Blues ay ku dagaal-gelayso xilli ciyaareedka soo socda ee 2021/22, waxaana ka dhex muuqda xiddigo waaweyn.

Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa kasoo dhex-muuqday ciyaartoyda Chelsea qorshaysanayso in tababare Thomas Tuchel uu maamulo, sidoo kalena waxa qayb ka ah Adama Traore oo garabka weerarka uga ciyaara Wolves iyo Declan Rice oo ah laf-dhabarta West Ham United.

Haaland Chelsea

Thomas Tuchel ayaan qarsanin sida uu u doonayo weeraryahan dhaliye toos ah, waxaanu bartilmaameedkiisa ka dhigtay Erling Halanad si uu u xalliyo mushkiladdooda afka hore oo xilli ciyaareedkii hore uu Timo Werner ku fashilmay inuu masuuliyaddiisa qaato.

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa u ballanqaaday Tuchel inuu siinayo lacag uu dibu-habayn ku sameeyo kooxda kaddib markii ay ku guuleysteen Champions League dhamaadka bishii May.

Saddex ciyaartoy oo afka hore ah ayaa Chelsea lala xidhiidhiyey, sida Harry Kane iyo Romelu Lukaku, laakiin waxay damaceeda iskugu geystay kooxdu xiddiga da’da yar ee Erling Haaland oo la ogyahay in aanu ku qanacsanayn inuu waqti badan kusii qaato Borussia Dortmund.

Waxa kale oo liiskan ku jira Malang Sarr, Ambadu iyo Loftus-Cheek oo amaah kasoo laabanaya.

Waa  kuwan 25ka ciyaartoy ee Chelsea ay qorshaynayso inay ku dagaallanto xilli ciyaareedka 2021/22:

Goalkeepers : Mendy & Arrizabalaga.

Defenders: Reece James, Adama Traore, Cesar Azpilicueta, Thiago Silva, Antonio Rudiger, Christensen, Kurt Zouma, Malang Sarr, Ampadu, Ben Chilwell & Marco Alonso.

Midfielders: N’Golo Kante, Declan Rice, Mateo Kovacic, Jorginho, Loftus-Cheek, Mason Mount, Kai Havertz, Hudson-Odoi & Hakim Ziyech.

Forwards: Erling Haaland, Timo Werner &  Christian Pulisic.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*