LAMA FILAAN: Xiddig Lama Filaan Ah Oo Chelsea Ka Tirsan Oo Sabab Buuxda U Noqonaya Inaan Kooxda La Keenin Erling Haaland

Da’yarka garabka weerar ee kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa lagu soo warramayaa inuu caqabad cusub ku noqday heshiiska ay kooxdiisu ku doonayso inay lasoo saxeexato weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Chelsea ayaa doonaysa inay dib u habayn ku samayso xiddigaha kooxdeeda balse waxa ay marka hore u baahantahay inay ciyaaryahano dirto si ay isku dheeli tir u samayso.

Image

Borussia Dortmund ayaa diyaar u ah inay diido dalabaadka laga keenayo Haaland balse haddiiba ay hesho dalab 150 Milyan oo pound ah ayay adkaan doontaa inay iska diido.

Si kastaba, Chelsea ayaa ah mid dhibaato dhexda kaga jirta marka ay noqoto farsamooyinka ay ku doonayso saxeexa dhaliyaha ree Norway xilli ay sidoo kale isha ku hayaan ciyaaryayhano ay bedelkiisa u dhaqaaqi karaan haddiiba ay isaga waayaan.

Haatan kanaalka Sky Sports ayaa sheegaya in Callum Hudson-Odoi uu yahay mid kamida caqabadaha hortaagan heshiis ay Blues ku keenaan Haaland London.

Hudson-Odoi ayaa u sheegay maamulka Chelsea inuusan isagu kooxda meelna uga socon xilli ay doonayeen inay ku daraan heshiiska ay Haaland kaga soo qaadanayaan Dortmund.

Weeraryahan Tammy Abraham ayaa ah ciyaaryahan kale oo ay Chelsea tixgelinayso inay isaga iyo qadar lacag ah is raaciso si ay kooxda ree Germany ugu qanciso inay kasoo qaadato Erling.

L7LtfyaI?format=jpg&name=small

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*