LaLiga Oo Baadhitaan Ku Samaynaya Heshiiska Barcelona Iyo Atletico Madrid Ee Is-dhaafsiga Greizmann & Saul

Maamulka horyaalka Spain ee LaLiga ayaa shaki ka muujiyey heshiiska kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ay ku kala beddelanayaan labada ciyaartoy ee Antoine Griezmann iyo Saul Niguez, kuwaas oo midba uu kooxda kale tegayo.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in labada kooxood u dhow yihiin inay heshiis rasmi ah gaadhana oo ay kala beddeshaan Griezmann iyo Saul, hase yeeshee arrintan ayaa dareen ku abuurtay maamulka LaLiga oo si dhow ula soconaya.

hishiis

Labada idaacadood ee Radio Marca iyo El Partidazo de Cope oo ah kuwa loogu dhegaysiga badan yahay, in LaLiga uu la maagan yahay labadan kooxood ganaaxyo, isla markaana laga diidi doono heshiiska ciyaartyahannadan ay kula kala wareegayaan, haddii si dhab ah loo qiimayn waayo ciyaartoyda iyo mid walba inta uu suuqa ka taagan yahay.

Tusaale ahaa, Antoine Griezmann ayuu LaLiga sheegay in aanu qiimihiisu ka hoosayn karaynin 72 milyan oo Euro, taas oo haddii ay Barcelona samayso tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale, Atletico Madrid ayaa loo qiimaynayaa Saul Niguez, waxaanu aad uga hoosaynayaa qiimaha Griezmann, taas oo ka dhigan in ay Atletico lacag ku dari doonto laacibkeeda si ay usoo ceshato laacibkeeda hore.

Warka ayaa intaa ku daray, in labada kooxoodba la socdaan shuruucda iyo waxa ay mutaysan karayaan haddii ay runta ka sheegi waayaan qiimeyowga labadan ciyaartoy, isla markaana heshiiska ku caddayn waayaan mid walba inta uu taagan yahay iyo sida ay u kala qaadanayaan ama u kala qaateen lacagta farqiga ah ee u dhaxaysa qiimaha labada ciyaartoy.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*