Laf-dhabarta Xulka Qaranka Croatia Oo La Xaqiiyey In Korona Fayras Ku Dhacay Xilli Spain Sugayso

Xulka qaranka Croatia ayuu usoo yeedhay war ay aad uga naxeen oo kusoo beegmay xilligii ugu xumaa, waxaana lagu wargeliyey in Fayraska Korona uu kaga dhacay mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan oo uu geli doono karantiil maalin ka hor kulanka adag ee ay kula ballansan yihiin Spain.

Croatia ayaa Isniinta la ciyaari doona Spain kulan ka tirsan wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub, laakiin ciyaartan muhiimka ah ee ka dhacaysa magaalada Copenhagen, waxa seegi doona laacibka khadka dhexe ee Ivan Perisic oo gelaya karantiil toban maalmood ah.

Perisic Modric

War-saxaafadeed uu soo saaray FA-ga Croatia ayaa lagu yidhi: “Intii lagu jiray caweyska, xidhiidhka kubadda cagta Croatia waxa  uu helay natiijada baadhitaankii joogtada ahaa ee SARS-COV-2 ee lagu sameeyey ciyaaartoyda iyo tababareyaasha, waxaanu muujiyey in xubin ka tirsan xulka qaranka oo ah Ivan Perisic laga helay Korona Fayras. “Adeegeyaasha caafimaadka ee xulka qaranka ayaa Ivan ka karantiilay ciyaartoyda kale ee xulka.

“Perisic wuxuu toban maalmood ku jiri doonaa karantiil, muddadaasna uma tartami doono kulamada xulka qaranka Croatia.”

Ciyaartoyda xulka qaranka Croatia oo aanu la socon Ivan Perisic ayaa maanta gellinkii hore ka duulay magaalada Pula iyagoo kusii jeeda Copenhagen oo ay Isniinta kula ciyaari doonaan Spain.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*