Laf-dhabarta PSG Ee Marco Verratti Oo Laga Helay Korona Fayras – Miyuu Seegayaa Kulanka Bayern Munich?

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa la argagaxday war aanay jeclaysanin oo kasoo gaadhay xiddigeeda Marco Verratti, kaas oo la xaqiijiyey in uu ku dhacay Korona Fayras  isla markaana gelaya karantiil.

Kubbad-sameeyahan ayaa ugu yaraan muddo toban maalmood ah ku jiri doona garigiisa oo uu karantiil ku ahaanayo, waxaanu ka maqnaan doonaa ciyaarta muhiimka ah ee ay kooxdiisa Arbacada safarka ugu tegayso Bayern Munich oo ay lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League wada-ciyaari doonaan. Waxa kale oo uu ka maqnaan doonaa ciyaarta Lille ee Axadda.

PSG ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in 28 jirkan khadka dhexe uu ku dhacay Korona Fayras iyadoo marka horena uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii xulka qaranka Talyaanigu ku garaacay Bulgaria dabayaaaqadii toddobaadkan.

“Baadhitaankii ugu dambeeyey ee Sars-Cov2 PCR ee laga qaaday Marco Verratti waxa uu xaqiijiyey inuu fayrasku ku dhacay. Wuxuu ixtiraami doonaa waqtiga karantiilka iyo tilmaamaha caafimaadka.” Ayey PSG ku tidhi war-saxaafadeedkeeda.

Ka hor intii aanay shaacin warkan, PSG ayaa hore usii xaqiijisay in Marco Verratti uu seegi doono ciyaarta horyaalka Ligue 1 ee Lille ee Axadda, taas oo uu ku fadhiyayey dhaawac.

Labada kooxood ee PSG iyo Lille ayaa iyagoo isku dhibco ah si wada jir ah u hoggaaminaya horyaalka Faransiiska, waxaanay ka horreeyaan Lyon iyo Monaco oo saddex dhibcood iyo afar dhibcood ka dambeeya, taas oo ka dhigan in midkooda laga badiyo ay u degi doonto kaalinta saddexaad.

Si kastaba, Verratti ayaa soo kaban doona lugta labaad ee Champions League ee Bayern Muncih ee April 13.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*