Laba Xiddig Oo Ka Maqan Liiska Ciyaartoyda Chelsea Ee Kulanka FC Porto Oo La Shaaciyey

Tababare Thomas Tuchel ayaa shaaciyey liiska ciyaartoydiisa kulanka FC Porto ee lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League, taas oo ay habeen dambe ku ciyaari doonaan garoonka Ramon Snachez Pizjuan Stadium ee waddanka Spain.

Chelsea ayaa lugtii hore kusoo adkaatay 2-0 ay ku garaacday FC Porto, waxayse toddobaad kaddib iskaga hor imanayaan isla garoonkii ay usbuucii hore guusha ku gaadheen.

Mason Mount iyo Ben Chilwell ayaa ahaa xiddigihii guusha u horseeday Blues kulankaas hore, iyagoo dhaliyey min gool, xilli ay kooxdoodu muujisay in ay si aad ah uga awood badan tahay Porto.

Chelsea oo raadinaysa in ay guul labaad ka keento lugta labaad, si ay iskaga xaadiriso wareegga xiga ee semi-finalka, ayaa haddii ay soo gudubto waxay la ciyaari doontaa Real Madrid ama Liverpool oo Arbacada kala baxaya midkooda soo adkaada.

Thomas Tuchel oo soo saaray liiska 23ka ciyaartoy ee uu kala hor tegayo FC Porto ayaa waxa uu sheegay in laba ka mid ah ciyaartoygiisu ay dhaawac kaga maqan yihiin ciyaartan, kuwaas oo aan qayb ka ahayn xiddigaha u safray waddanka Spain.

Labadan ciyaartoy ayaa kala ah Billy Gilmour oo saddex kulan oo kaliya u ciyaaray Chelsea intii uu Thomas Tuchel joogay tan iyo bishii January iyo Tino Anjorin oo kasoo muuqday kulankii FA Cup ee Barsnley ay ku garaaceen wareeggii shanaad, markaas oo Tuchel uu soo safay.

Inta kale ee ciyaartoyda Blues ayaa taam u wada ah kulankan oo lagu soo daray liiska oo ka kooban 23 ciyaartoy.

Halkan kaga bogo magacyada ciyaartoyda Chelsea ee kulanka FC Porto ee Salaasada:

Edouard Mendy, Kepa Arrizabalaga, Willy Caballero, Reece James, Cesar Azpilicueta, Andreas Christensen, Thiago Silva, Antonio Rudiger, Kurt Zouma, Marcos Alonso, Ben Chilwell, Emerson, Jorginho, N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Mason Mount, Kai Havertz, Hakim Ziyech, Callum Hudson-Odoi, Christian Pulisic, Tammy Abraham, Olivier Giroud, Timo Werner

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*