Laba Magaalo Oo Laga Kansalay Martigelinta Euro 2020 Oo Bisha June Bilaabmi Doona

Garoonka qaranka England ee Wembley ayaa la siin doonaa kulamo dheeraad ah oo ka tirsan wareegga 16ka tartanka Euro 2020 ee xagaagan, kaddib markii ay laba magaalo oo lagu qaban lahaa min afar ciyaarood laga saaray liiska kaddib markii ay kasoo bixi waayeen shuruudihii la xidhiidhay Covid-19.

Magaalada Dublin oo lagu qaban lahaa saddex ciyaarood ayaa laga wareejiyey, waxaana kulamadii lagu ciyaari lahaa loo raray garoonka Wembley ee magaalada London oo helaya kulamo dheeraad ah oo uu martigelin doono oo hal ciyaar loosoo wareejiyey, iyadoo marka horeba uu ku jiray garoomada kulamada ugu badan lagu qaban doono, gaar ahaan wareegyada semi-finalka iyo Finalka.

Afar kulan oo kale oo lagu ciyaari lahaa magaalada Bilbao ee waddanka Spain ayaa loo leexiyey Seville, halka magaalada Munich ay xajisatay booskeeda martigelinta kulamo ka tirsan tartanka Euro 2020.

Kulanka wareegga 16-ka ee laga soo wareejiyey Dublin ayaa waxa uu noqon doonaa kooxda kaalinta koowaad kaga soo baxda Group D oo ay ku wada jiraan xulalka England, Scotland, Croatia iyo Czech Republic, taas oo suurtogal ka dhigaysa in June 29 uu xulka qaranka England ku ciyaaro garoonkiisa.

Euro 2020 oo ay ahayd in la qabto sannadkii hore, ayaa muddo sannad ah dib loogu dhigay fayraska Korona ee dunida aafeeyey, waxaana la ciyaari doonaa sannadkan, isagoo bilaabmi doona 11 June, kuna dhamaan doona 11 July.

12 garoon oo ku kala yaalla 12 magaalo ayaa loogu talo-galay in ay tartankan martigeliyaan waxaana ka baxday Dublin taas oo ka dhigan in 11 garoon oo 11 magaalo ku kala yaalla lagu qabanayo tartanka.

Magaalooyinka lagu ciyaarayo ayaa waxay kala yihiin Amsterdam, Baku, Bucharest, Budapest, Copenhagen, Glasgow, London, Munich, Rome, Seville iyo St Petersburg.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*