“Kylian Mbappe Ayaa Ah Xiddiga Ugu Fiican Ee EURO Ciyaaraya, Waxa Ugu Cad Cad Koobka….” – Xiddig Talyaani Ah Oo Aragtidiisa Dhiibtay

Daafaca midig ee xulka Talyaaniga ee Alessandro Florenzi oo xilli ciyaareedkii dhammaaday qaab amaah ah ugu soo qaatay Paris Saint-Germain ayaa saaxiibkiisii kooxdaas ee Kylian Mbappe ku sifeeyay xiddiga ugu fiican ee Euro ciyaaraya sanadkan.

Hadalka Florenzi ayaa ah mid uu iskaga indho-tirayo xiddigo waaweyn oo kale sida Cristiano Ronaldo, Robert Lewandowski, Karim Benzema iyo kuwo kale oo badan.

VIDEO Nimes-Psg 1-4: Mbappé e Florenzi inarrestabili: gli highlights- Video Gazzetta.it

Dhinaca kale daafaca Talyaaniga ah ayaa qaba in xulka France uu yahay midka ugu cad cad ku guuleysiga koobka maadaama oo uu kusoo guuleystay koobkii aduunka ee 2018.

Alessandro ayaa yidhi “France waxa ay haystaan Mbappe, ciyaartoyga ugu xoogan Euros. isaga sanadka oo dhan baan daawanayay, iyagu waa kuwa ugu cad cad, koobkii aduunka ee ay ku guuleysteen 2018 ayaa waxkasta sheegaya”

“Laakiin guushu maaha mid sahlan gaar ahaan tartan sidaas la iskugu dhaw-dhaw yahay, hal koorne ayaa lagu go’aamin karaa, hal dhaqaaq oo wanaagsan”

“Intaas kaddib waxa jira awoodo (Xulal) midaysan oo dhibaatooyin abuuri kara,  anaguna waxa aanu nahay mid kamid ah, waxa jira xulal badan oo si wanaagsan u diyaarsan”

Xulka Talyaaniga ayaa ah mid ku jira qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo aan wax guuldarro ahi soo gaadhin tan iyo September 2018.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*