“Kubaddu May Doonayn….” – Akhriso Hadaladii Uu Cristiano Ronaldo Ku Yidhi Goolhaye Courtois Xalay⁷

Cristiano Ronaldo ayay macquul tahay inuu xalay ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee ah tartanka Euro, xulka Portugal ayaa markii ugu horreysay taariikhda wareega 16-ka kaga hadhay koobkaas iyaga oo guuldarro 1-0 ah kala kulmay Belgium.

Portugal ayaa qaybtii dambe dhawr goor ku dhawaaday inay goolka bar-bardhaca keenaan balse awoodi waayay inay iska soo gudaan goolka uu Thorgan Hazard shabaqooda la gaadhay qaybtii hore.

fDuHJ4Jy?format=jpg&name=small

Kooxda tababare Fernando Santos ayaa ahayd mid kubadda haysatay 55% halka ay sameeyeen lix darbo oo goolka ku aadanaa marka lala bar-bardhigo Belgium oo hal shuud goolka ku aadiyay.

Hubaal xulka Belgium ayaa ahaa mid nasiib fiican ku lahaa ciyaartii ka dhacday magaalada Seville, Cristiano Ronaldo ayaana midaas xasuusiyay Courtois ciyaarta kaddib.

36 sano jirkaas oo ciyaarta kaddib la hadlayay goolhayaha Real Madrid ayaa yidhi “Nasiib ayaad lahaydeen, soomaha? (Kubaddu) ma aysan doonayn inay gasho maanta. Nasiib wacan ninoow”

Ronaldo ayaan qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa kusoo muujin kulankaasi xalay qabsoomay balse tababare Santos ayaa amaan kala dul dhacay kaddib ciyaarta.

Intaas kaddib Santos ayaa eedeeyay qaab ciyaareedka guud ee xulkiisa kahor inta uusan sheegin in ciyaartoydiisa qaar ay ku ooyayeen qolka labiska.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*