“Kooxdee Ku Guuleysan Doonta Champions League?” – Jurgen Klopp Oo Isaga Oo Cadhaysan Jawaab Adag Ka Bixiyay Su’aashan Culus

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u muuqday mid ka cadhooday su’aal laga weydiiyay inuu saadaaliyo kooxda ku guuleysan doonta UEFA Champions League xilli ciyaareedkan walow kooxdiisa laga cidhib tiray tartanka habeen hore.

Real Madrid ayaa markale qalbi jabisay Reds, Los Blancos ayaa 3-1 kusoo guuleystay lugtii koowaad ee ka dhacday gegida Alfredo Di Stefano halka ay labada dhinac bar-bardhac goolal la’aan ah ku heshiiyeen ciyaartii dambe ee Anfield ka qabsoontay.

Inay ka hadheen Champions League ayaa ka dhigan in Liverpool uu ka xidhmay albaabkii ugu dambeeyay ee ay koob ugu guuleysan karayeen xilli ciyaareedkan iyadoo hore looga saaray Carabao Cup iyo FA Cup halka ay hadda booska lixaad ka joogaan Premier League.

Jurgen Klopp ayaan ahayn mid ku jira dareen uu ku saadaaliyo kooxda CL hananaysa xilli ciyaareedkan isaga oo sheegay in aanay waxba ka gelin.

Mar la weydiiyay kaddib ciyaartii Anfield ee ay kooxdiisu kaga hadhay Champions League inuu saadaalin sameeyo ayuu Jurgen ku jawaabay “Yaa ku guuleysanaya Champions League? daacad ahaantii aniga ima khusayso”

Madrid ayaa wareega afar dhammaadka ee tartanka ugu xiisaha badan Yurub balan kaga samaystay Chelsea xilli ay kooxda tababare Thomas Tuchel soo reebtay dhigeeda FC Porto.

Dhinaca kale, Pep Guardiola iyo Man City oo markale xilli ciyaareedkan koobka ku riyoonaya ayaa iyaguna la balansan PSG oo qudheedu doonaysa inay xilli ciyaareedkan kaga maydhato qalbi jabkii kasoo gaadhay Final-kii tartanka ee xilli ciyaareedkii hore.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.

*