Kooxaha Ugu Taageerada Badan Baraha Bulshada Oo La Shaaciyey

Shan kooxood oo Premier League ka dhisan ayaa ka mid noqday tobanka naadi ee ugu taageerada badan baraha bulshada, waxayse midkooda usu soo horreysaa ku jirtaa kaalinta saddexaad.

Sagaal ka mid ah tobankan kooxood ayaa sidoo kale ku jira liiska kooxaha guu qiimaha badan dunida, waxaana figta sare taagan naadiyada reer Spain oo taageereyaasha ay ku haystaan baraha bulshadu uu aad uga badan yahay kuwa Premier League.

Real Madrid ayaa noqotay kooxda haysata taageereyaasha ugu badan ee baraha bulshada, waxaana Facebook, Twitter, Instagram, YouTube iyo TikTok kaga xidhan in ka badan 252 milyan oo qof, waxaanay waxyar ka sarreeyaan Barcelona oo kaalinta labaad kusoo jirta, isla markaana 250 milyan oo qof ay ku taxan yihiin.

Labadan kooxood ee reer Spain ayaa si aad ah uga horreeya kooxaha kusoo xiga, iyadoo Manchester United oo saddexaad fadhida ay ka badan yihiin 110 milyan oo qof, halka Juventus ay kaalinta  afraad soo gashay.

Manchester United ayay baraha bulshada kaga xidhan yihiin 142 milyan oo qof, waxayna aad uga horreysaa Juventus oo kusoo xigta oo ay ku xidhan yihiin 104 milyan oo qof.

Haddii Juventus la barbar-dhigo tirada  dadka ku taxan xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, waxay noqonaysaa arrin fadeexad ah, sababtoo ah, waxa uu CR7 xataa kasii sarreeyaa Real Madrid, iyadoo ay ku taxan yihiin 278 milyan oo qof.

Chelsea ayaa soo buuxisay shanta kooxood ee sare, waxaana baraheeda ku taxan 93 milyan oo qof, iyadoo waxyar ka sarraysa Liverpool oo lixaad ku jirta.

PSG ayaa soo gashay toddobaad, waxaana ku taxan 91 milyan oo qof, halka Bayern Munich ay 88 milyan oo taageere ah ku leedahay baraha bulshada iyo Manchester City oo sagaalaad fadhida oo waxyarna ka horreysa Arsenal.

Halkan kaga bogo taageereyaasha kooxuhu ku leeyihiin baraha bulshada:

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. War nimanku been badanaa yay waxaas usheegayaan malaha waa ku aanan Google iyo YouTube aanan aqoon sida wax looga baaro dadka beenta ka daayay

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*