Kooxaha Premier League Oo Dhawaan Laga Waayi Doono Baraha Bulshada Ee Facebook, Twitter & Instagram

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa ku biiri kara kooxaha Premier League iyo horyaalada heerka hoose ee Ingariiska kuwaasoo qaadaya baraha bulshada si loogu cadaadiyo shirkada Facebook, Twitter iyo Instagram inay wax ka qabtaan cunsuriyada lagula kaco xiddigaha madow ee kubada cagta.

Wargeyska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso baahida ay kooxaha Ingariiska u qabaan inay xiraan akoomadooda Twitter, Facebook iyo Instagram si ay shirkadaha ugu cadaadiyaan inay wax badan ka qabtaan xadgudubyada sii kordhaya ee ka dhaca barahooda bulshada.

Kooxaha Premier League ayaa durbaba ka wada hadlo talaabo wadajir ah oo ay qaadayaan marka ay kulan isagu yimaadaan isbuuca danbe.

Swansea ayaa hogaamineysa ololahaan iyagoo shaaciyay Khamiistii in kooxda, ciyaartoyda iyo shaqaalaha ay xiri doonaan akoonadooda baraha bulshada muddo todoba maalmood ah.

Kooxda heerka labaad ayaa sheegtay inay go’aankaan qaadatay ka dib markii seddex ka mid ah ciyaartoydooda oo kala ah Jamal Lowe, Yan Dhanda iyo Ben Cabango inay dhamaantood lagu cunsuriyeeyay baraha bulshada.

Waxaa ka dib ku biirtay kooxda kale ee heerka labaad Birmingham City iyo kooxda Steven Gerrard ee Rangers halka kabtanka Reading Liam Moore uu isna kansalay akoonkiisa Twitter ka dib markii la cunsuriyeeyay.

Seddexda xiddig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold, Naby Kieta iyo Sadio Mane ayaa iyagana la bartilmaameedsaday ka dib guuldaradii ka soo gaartay Real Madrid.

Ka dib go’aankii Swansea, jariirada Daily Mail ayaa weydiisay kooxaha Premier League, EFL iyo FA-ga inay iyaguna xiri doonaan akoonadooda baraha bulshada.

Jawaabtii ay heleen ayaa aheyd inay kooxaha ka fiirsanayaan inay talaabo wadajir ah qaadaan marka ay kulan yeeshaan horyaalka todobaadka soo socda.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*