Kama Qasna!! – Zidane Oo Kameradu Qabatay Isaga Oo Qoslaya Xilli Qas Jiray & Dhacdadii Uu Casemiro Xalay Ugu Aarguday Benzema

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa u muuqday mid ku raaxaystay talaabo lagu sifeeyay mid uu khadka dhexe ee kooxdiisa ee Carlos Casemiro ugu soo aar gudayay saaxiibkiisa weerarka ee Karim Benzema oo cadaadis daran kala kulmay ruug caddaaga Liverpool ee James Milner.

Real Madrid ayaa xalay bar-bardhac goolal la’aan ah gegida Anfield kula gashay Liverpool iyaga soo sidaas kaga gudbay kaddib markii ay lugtii hore 3-1 ugaga soo adkaadeen.

Walow ay guud ahaan habeen cajiib ah u ahayd Real Madrid oo gaadhay afar dhammaadka Champions League markale haddana waxa jirtay daqiiqad u muuqatay mid uu si gaar ah ugu raaxaystay Zidane.

Bur-buriyaha Real Madrid ee Casemiro ayaa dhammaadkii qaybtii hore ee ciyaartii xalay taako (Tackle) xoogan ku qabtay James Milner taas oo dhalisay in xiddigaha iyo shaqaalaha tababarka ee Reds ay cadho weyn muujiyaan.

Daafaca bidix ee Liverpool ee Andy Robertson ayaa la arkayay isaga oo aad uga cadhaysan Casemiro oo ay hadalo is dhaafsanayaan, jamaahiirta indhaha gor-gorka ah leh ee sida dhaw wax u arka ayaa markiiba arkay qosolka Zidane oo ka dambeeyay Casemiro,

Aalada garsoore caawiyaha ah ee VAR ayaa lagu soo qiimeeyay nooca loolankaas adag ee uu Casemiro ku sameeyay Milner balse lama go’aamin in kaadh casaan ah lagu ganaaxo.

Casemiro ayaa dhacdadaas ugu aarayay saaxiibkiisa kooxda ee Karim Benzema kaas oo uu Milner ku dhawaaday inuu lugta ka jabiyo daqiiqadihii ugu horreeyay ee ciyaarta walow aan xiddiga ree England wax ciqaab ah isaga la marin.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*