Kai Havertz Oo U Sheegay Thomas Tuchel Booska Uu Jecel Yahay In Uu Ka Ciyaaro

Kai Havertz iyo Thomas Tuchel ayaa mid walba uu warbaahinta la wadaagay farxadda guushii ay ka gaadheen Crystal Palace shalay, iyadoo uu laacibka reer Germany ka ciyaarayay booska sagaalka beenta ah.

Tuchel ayaa laacibkan ka ciyaarsiiyey weerarka, waxaanu isku muujiyey in booskaasi uu yahay kan uu ugu jecel yahay ee xirfaddiisuna kusoo baxayso.

Havertz ayaa dhaliyey goolka koowaad oo ahaa mid qurux badan oo uu kubbad hoose dhaafiyey goolhaye Vicente Guaita ka hor intii aanu goolka labaad u sallixin Christian Pulisic.

Zouma ayaa natiijada sii dheereeyey oo madax ku qabtay kubbad uu Mason Mount soo qaaday ka hor intii aanu Pulisic ciyaarta ka dhigin 4-1, halka goolka madiga ahna uu Palace u dhaliyey Christian Benteke.

Kai Havertz oo ay Chelsea kusoo iibsatay lacag dhan £71 milyan oo Gini xagaagii, ayaa bandhiggii shalay ku caddeeyey in uu u qalmayay lacagtii laga soo bixiyey.

Telefishanka Sky Sports ayuu la hadlay ciyaarta kaddib, waxaanu tababarihiisa u sheegay booska uu jecel yahay in uu ka ciyaaro, waxaanu yidhi: “Haa, waxaan jecelahay in aan ka ciyaaro sagaalka beenta ah.

“Waa boos ii wanaagsan aniga, waxaan helayaa xorriyadda aan ku tegayo meel walba oo aan doono, waxaanan rajaynayaa in aan sii wadi doono (ka ciyaarista booskaas).”

Sababta uu booskan ku jeclaaday ayuu sharraxay, waxaanu yidhi: “Dabcan, booskaygu waa meesha aan doonayo in aan goolal ka dhaliyo. Bilihii yaraa ee ugu dambeeyey,may ahayn kuwo ii fudud, mana aanan helin fursado badan. Maanta (shalay), waxaan helay fursad, waxaanay ila tahay in aan dhalin karayay hal ama laba gool oo kale laakiin waxaan ku faraxsanahay natiijada.”

21 jirkan ayaa rajaynaya in uu kusoo bilaaban doono ciyaarta Champions League ee Salaasada ay ku ballansan yihiin FC Porto oo ay mar kale ku wada ciyaarayaan garoonka kooxda Sevilla ee waddanka Spain.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*