“Kahor Inta Aanad Seexan Caawa, Xasuusnaw In Ole….” – Jamaahiirta Man United Oo Baraha Bulshada Ku Jar-Jaray Tababaraha Kooxdooda

Taageerayaasha kooxda Manchester United ayuu marba marka ka dambaysa kusii yaraanayaa samirka ay u hayaan tababaraha kooxdooda ee Ole Gunnar Solskjaer oo ay kuwo badani u arkaan caqabada ugu weyn ee ciyaartoyda ay haatan haystaan koobab kahor istaagi karta.

Ronaldo oo kulankiisii ugu horreeyay ee Champions League u ciyaaray Man United kaddib soo laabashadiisa ayaa goolka furitaanka dhaliyay daqiiqadii 13-aad balse Young Boys ayaa bar-baraha keenay xilli hore oo qaybtii dambe ah kaddib tababaraha Norwegian-ka ah ayaa bedel ku sameeyay Ronaldo.

Go’aanka uu Lingard ugu soo bedelay Ronaldo ayaa noqday mid aad uga cadhaysiiyay taageerayaasha kooxdiisa gaar ahaan kaddib markii uu Lingard goolka guusha daqiiqadii 95-aad u hadiyadeeyay Young Boys.

Taageerayaasha Red Devils ayaa la yaabay sida uu Ole Gunnar u bedelay Bruno Fernandes iyo Cristiano Ronaldo isaga oo bedelkooda keenay Nemanja Matic iyo Lingard oo isaga oo No.9 u adeegsanayay.

Halkan hoose ka akhriso fal-celinta taageerayaasha Man United ee barta Twitter-ka kusoo bandhigay cadhadooda ay ka qaadeen bedeladii Solskjaer.

“Waxa uu noqon doona mid kamida bedelada ugu xun taariikhda kooxda iyo Champions League”

“Ole waxa uu Ronaldo ku bedelay Lingard oo kulanka ku dhammaystay inuu bixiyay caawinta goolka guusha ee Young Boys”

“Manchester United waxay raadinaysay guul Ole-na waxa uu bedelay Ronaldo si uu usoo geliyo Lingard”

“Kahor inta aanad sariirta tagin caawa, xasuusnaw in Ole Solskjaer uu dhab ahaan bedelay Bruno Fernandes iyo Cristiano Ronaldo isaga oo soo geliyay Nemanja Matic iyo Jesse Lingard”

“Ole waxa uu soo galiyay Lingard wuxuuna saaray Ronaldo markii ay Man United u baahnayd gool ay kulanka ku guuleysato”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*