Kaddib Heshiiskii Sancho & Varane, Manchester United Oo Xiddigii Saddexaad U Dhaqaaqday & Lacagta Ay Laba Difaac Ka Bixinayso

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa shaacinta heshiiska difaaca reer France ee Raphael Varane oo ay heshiis shaqsi ah la gaadhay, sidoo kalena ay kooxdiisa Real Madrid mar horeba bixisay ogolaanshaha United ee ah inay la hadli karto laacibkan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhawr ciyaartoy ka doonaya suuqa ciyaartoyda ee xagaagan, waxaanu hore gacanta ugu soo dhigay Jadon Sancho oo ay Borussia Dortmund kagala soo wareegeen £72.9 milyan oo Gini, kaas oo soo gaadhay Old Trafford kaddib markii uu soo dhamaaday tartanka qaramada Yurub.

Man United

Laakiin laba difaac oo heer-caalami ah,bandhig fiicanna ka sameeyey tartankii Euro 2020 ayaa uu Solskjaer dhexda u xidhay sidii uu u heli lahaa, waxaanu ku horreeyey Raphael Varane oo uu qarka u saaran yahay inay si rasmi ah ula soo wareegaan.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Manchester United waxay Varane ku doonaysaa £50 milyan oo Gini, sida uu sheegay wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, kaas oo la fahamsan yahay inuu qarka u saaran yahay inuu saxeexo heshiis shan sannaddood ah oo uu ku imanayo Old Trafford.

Wargeyska ayaa intaa ku daray, in Real Madrid ku qanacsan tahay inay hesho £50 miulyan oo Gini, waxaanu heshiisku dhamaystirmi doonaa toddobaadka soo socda.

Dhinaca kale, Atletico Madrid waxay doonaysaa in ay horyaalka Premier League kusoo celiso Kierran Trippier oo ay dul-dhigtay £18 milyan oo Gini.

Difaacan reer England ayaa kooxdiisa ku riixaya inay ogolaadaan inuu ku laabto Premier League ka xagaagan, iyadoo wargeyska The Sun uu sheegay in labada dhinac ay u socdaan wada-hadallo heer gabogabo ah maraya.

Varane iyo Trippier ayaa uu warku sheegay, in Ole Gunnar solskjaer uu qorshaynayo inay qayb ka noqdaan kulamada saaxiibtinimo ee ka dhamaadka bishan iyo horraanta bisha August ka hor inta aanu bilaabmin horyaalku.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*