Jose Mourinho Oo U Jawaabay Paul Pogba: “Xiise Uma Qabo Waxa Uu Yidhi…”

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa u jawaabay xiddiga Manchester United ee Paul Pogba oo dhowaan weerar ku qaaday, isla markaana sheegay in aanu ku fiicnayn maamulka ciyaartoyda oo uu mar walba dagaal kula jiro xiddigihiisa.

Pogba oo warbaahinta la hadlayay Khamiistii ayaa qayb ka noqday xurguf u dhaxaysa Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjaer, taas oo abuurantay kaddib ciyaartii Tottenham iyo Manchester United ee toddobaadkii hore.

Kubbad-sameeyaha reer France oo wax laga weydiiyey Mourinho ayaa waxa uu sheegay, in Jose iyo ciyaartoydiisa uu dagaal ka dhex jiro mar walba, isagoo Ole Gunnar Solksjaer ku tilmaamay tababare ka duwan Jose Mourinho.

Waxa kale oo uu Pogba tibaaxay in xidhiidhka ka dhexeeya Mourinho uu ahaa mid fiican oo uu qof walba arki karayay, laakiin mar kaliya si layaableh ay wax waliba isku beddeleen, isaguna ciyaartoy ahaan uu garan waayay waxa dhacay.

Jose Mourinho ayaa waxa laga weydiiyey eedaynta uga timid Paul Pogba markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay kooxdiisu barbarraha la gashay Everton xalay, waxaanu yidhi: “Waxaan jeclaan lahaa inaan idhaahdo, dan kama lihi waxa uu yidhi. Dan kama lihi, xiisena uma qabo hadal iyo dhamaantii.”

Inkasta oo Mourinho uu u jawaabay Paul Pogba, haddana waxa miiska u saarnaa su’aalo kale oo gubayay oo la xidhiidhay shaqadiisa Tottenham kaddib markii ay kooxdu barbarro kala kulantay Everton.

Spurs oo safar ugu tagtay Everton ayaa waxay la homartay gool uu u dhaliyey Harry Kane qaybtii hore, waxaase rikoodhe ku barbarreeyey Gylfi Sigurdson.

Qaybtii dambe ayay Everton ciyaarta ka dhigtay 2-1, waxaana goolka labaadna u saxeexay Gylfi Sugardson, laakiin Tottenham ayaa ku celisay barbarro, waxaana goolka labaadna u saxeexay Harry Kane.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*