Jose Mourinho Oo Soo Xushay Shaxda Uu England Ku Ciyaarsiin Lahaa Euro & Xiddigaha Uu Booska Uga Dhaartay

Tababaraha kooxda AS Roma dhawaan loo magacaabay ee Jose Mourinho ayaa soo doortay shaxdiisa xulka qaranka England oo dhawaan tartanka Euro ciyaaraya xilli ay haystaan saf ciyaartoy ah oo rajo weyn laga qabo.

England ayay markii ugu dambaysay ee ay koob weyn ku guuleysteen ahayd sanadkii 1966 waana mid kamida sababaha ay ugu baahi qabaan hanashada Euro ee sanadkan iyadoo sidoo kale cadaadiska ah inay ku guuleysteen uu ku badan yahay.

Image

Mourinho oo soo xushay shaxda uu kulankooda ugu horreeya ee Croatia ku ciyaari lahaa ayaa booska goolhayaha u doortay Dean Henderson isaga oo meesha ka saaray Jordan Pickford iyo Sam Johnstone labadaba.

Labada daafac dhexe ayuu Mou doortay John Stones iyo Tyrone Mings kaddib dhaawaca uu Harry Maguire ku maqnaan doono isaga oo aan xulanin Conor Coady iyo Ben White.

Daafaca midig ayuu u doortay Kyle Walker isaga oo diiday Reece James iyo Kieran Tripper halka uu daafaca bidix u xushay Ben Chilwell taas oo ka dhigan inuu dafiray xiddigiisii Man United ee Luke Shaw.

Labada khad dhexe bur-buriye ee uu Jose doortay ayaa kala ah Phillips iyo Declan Rice isaga oo meesha ka saaray Jordan Henderson.

No.10-ka shaxda ayuu u doortay Mason Mount halka uu saddexleyda weerar ka dhigay Phillip Foden, Harry Kane iyo Jack Grealish.

Mourinho ayaa weerarka shaxdiisa u diiday Jadon Sancho, Marcus Rashford, Raheem Sterling, Dominic Calvert-Lewin iyo Bukayo Saka.

Shaxda Oo Sawir Ah

Image

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*