Joachim Low Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Tababarenimo Kaddib Markii Uu Iska Casilay Xulka Germany

Tababarihii xulka qaranka Germany iska casilay ee Joachim Low ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiis maalmo kaddib markii uu dalkiisu ka hadhay tartanka qaramada Yurub ee Euro oo wareeggii 16ka uu Ingiriisku ku garaacay.

Joachim Low ayaa hore usii sheegay intii aanu tartanku bilaabmin in uu ka tegayo shaqada, waxaana xilkiisa loosii magacaabay tababarihii hore ee Bayern Munich ee Hansi Flick oo si toos ah ula wareegay xulka qaranka.

low

Laakiin su’aal aan jawaab loo haynin ayaa taagnayd oo ku saabsanayd halka uu Low tegi doono, iyadoo lala xidhiidhinayay kooxo waaweyn oo ay ku jirtay Real Madrid oo markii dambe xulatay Carlo Ancelotti.

Joachim Low oo hore usoo noqday tababaraha kooxaha Stuttgart iyo Fenerbahce, ayaa 15kii sannadood ee ugu dambeeyey hoggaaminayay xulka Germany oo uu u ahaa tababare, waxaanu u qaaday Koobkii Adduunka 2014.

Si kastaba, tababarihii hore ee Bayern Munich iyo Switzerland ee  Hitzfeld ayaa sheegay in go’aanka Joachim Low uu yahay in uu ka fadhiisto laylinta oo uu noqdo falanqeeye ciyaareed, isla markaana aanu xammili karaynin culayska shaqada kooxaha oo 60 kulan sannadkii dheelaya.

“Spain, Italy, England iyo France dhab ahaantii kuma habboona isaga.” Ayuu yidhi Hitzfeld.

Inkasta oo uu Hitzfeld warkan sheegay, haddana ma jiro go’aan rasmi ah oo laga maqlay tababare Joachim Low iyo wakiilkiisa midna.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*