JILAAGA QARNIGA – Daawo Wixii Uu Ciro Immobile Ka Sameeyay Kulankii Italy vs Belgium Ee Xalay

Weeraryahanka xulka qaranka Talyaaniga ee Ciro Immobile ayaa ka sameeyay ciyaartii xalay dhex martay dalkiisa iyo Belgium ficil hadal hayn badan dhaliyay oo uu ku doonayay in rigoore lagu abaalmariyo qarankiisa Azzuri.

Xulka uu hoggaanka u yahay tababare Roberto Mancini ayaa guul 2-1 ah ka gaadhay Belgium oo dadka qaar u arkayeen kuwa ku guuleysan doona tartankan.

AuXj7H Q?format=jpg&name=small

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Nicolo Barella iyo Lorenzo Insigne ayaa kasoo caawiyay Talyaaniga inay meel iska saaraan Red Devils oo uu gool rigoore ugu soo celiyay Romelu Lukaku.

Dhacdada hadal haynta badan dhalisay ayaa ahayd qaabkii uu jiliinka cajiibka ah u sameeyay Ciro Immobile markii uu goolka dhalinayay Barella ee uu hoggaanka u dhiibay Talyaaniga.

Ciro ayay kubad isku qabsadeen daafaca dhexe ee xulk Belgium ee Thomas Vermaelen waxaana uu ku dhacay dhulka isaga oo doonaya in rigoore lagu abaalmariyo.

Kaddib markii uu dhulka galay Immobile oo si fiican u jilaya in qalad lagu galay ayuu goolka dhalinayaa Barella waxaana uu weeraryahanka Lazio ka kacayaa dhulka marka uu ogaado in dalkiisu dhaliyay goolka isaga oo la dabaaldegaya xiddigaha kale.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka


 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*