ISKU-DHAF: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka El-Clasico, Xiddigaha Seegay & Kooxda Ku Badan Real Madrid Iyo Barcelona

Shabakadda caanka ku ah ururinta xogaha kala duwan ee kubadda cagta ee Whoscored ayaa soo saartay shaxda ay u dooratay mida isku dhafka ah ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona iyadoo ku salaynaysa qiimaynteeda kahor kulanka labada kooxood dhex maraya caawa.

Shaxdan ayuu ugu horreynba booska goolhayaha kusoo baxay Thibaut Courtois oo qiimaynta Whoscored kaga gacan sarreeya dhigiisa Barcelona ee Marc Andre Ter Stegen taas oo muujinaysa sida uu shabaq ilaaliyaha ree Belgium xilli ciyaareedkan uga fiicnaa dhigiisa German-ka ah.

Labada daafac dhexe ayaa labaduba ah Barcelona waxaana ay kala yihiin Frankie De Jong oo asal ahaan khad dhexe ah balse uu kulamadii ugu dambeeyay tababare Koeman daafaca dhexe u adeegsanayay iyo Gerard Pique oo caawa la filayo inuu kasoo muuqdo kulanka.

Daafaca midig ayaa ah Lucas Vazquez oo isaguna caadiyan garab weerar ah balse inta badan xilli ciyaareedkan booska daafaca midig uga soo dhalaalay Real Madrid halka uu daafaca bidix yahay Jordi Alba oo gool caawintiisa iyo dhalintiisu ay aad u sarreyso xilli ciyaareedkan.

Saddexda khad dhexe ayaa dhammaantood ah Los Blancos waana xiddigaha kootada ku haysta booskaas ee Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric oo xiddigo badan oo da’yar ahi dartood uga tageen kooxda.

Saddexleya weerar ee xulashada Whoscored ayay ku awood badan tahay Barca maadaama oo ay labada garab weerar ku yeelatay Lionel Messi iyo Antoine Greizmann halka uu weeraryahanka dhexe yahay Karim Benzema.

Shaxda Oo Sawir Ah

FIIRO GAAR AH: Xiddigaha Dhaawaca Ah & Kuwa Ganaaxani Kuma Jiraan Xulashada

Busquets and Vinicius absent as Real Madrid edge Barcelona in combined El Clasico XI

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*