Iska Ilow Van Nistelrooy, Bergkamp, Drogba & Cantona – Rooney Oo Magacaabay Weeraryahankii Ugu Fiicnaa Premier League Ee Aan Ingiriis Ahayn

Xiddigii hore ee Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa magacaabay weeraryahankii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premier League ee aan u dhalanin waddanka Ingiriiska, waxaanu meesha ka saaray laacibiin waaweyn oo uu qof kastaa filayay in uu noqon doono xulashadiisa koowaad.

Manchester United ayaa hormood ka ahayd kooxaha isku qurxiya weeraryahanno dilaa ahaa oo cabsi sii geliya kooxaha kale, taas oo ka caawisay in ay noqoto kooxda ugu guulaha badan horyaalka tan iyo sannadkii 1992kii.

Xiddigaha sida Ruud van Nistelrooy, Eric Cantona, York iyo Andy Cole ayaa ka mid ahaa laacibiinta Manchester United guulaha soo gaadhsiiyey, laakiin ciyaartooyo kale oo tayadoodu sarraysay ayaa iyaguna guulo soo gaadhsiiyey kooxo kale.

Arsenal ayaa ahayd kooxda ciyaartoyda ugu badan ee ugu cadcad Premier League ee ajaanibka ah, waxaana ka mid ahaa ciyaartoydaas Thierry Henry iyo Dennis Bergkamp.

Sidaas oo ay tahay, Wayne Rooney oo la weydiiyey in uu soo xusho ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda Premier League ee afka hore ee weerarka ayaan lasoo baxay dhaliyaha Manchester City ee Sergio Aguero oo toddobaadkan shaaciyey in uu ka tegayo Etihad Stadium oo uu toban sannadood ka ciyaarayay, laakiin waxa uu ka horreysiiyey Thierry Henry oo uu ka dhigan kan koowaad.”

Rooney oo ka jawaabayay su’aasha la weydiiyey ayaa yidhi: “Aguero ayaa ahaa mid cajiib ah, hubaashiina wuxuu gaadhsiisan yahay halkaa, laakiin haddii aad i weydiiso weeraryahanka ugu wanaagsanaa, waa Thierry Henry.

“Waxa kale oo jira ciyaartooyo kale oo ajaanib ahaa oo aan lasoo bixi karayo oo ku xigaya Henry, sida Aguero, Ruud Van Nistelrooy, Dennis Bergkamp iyo Eric Cantona.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*