Iska Ilow Pogba! Xaaska Xiddig Manchester United Ka Tirsan Oo Shaacisay Inay Jeceshay Real Madrid

Xaaska mid ka mid ah xiddigaha kooxda Manchester United ayaa shaacisay in ay jeclaan lahayd in iyada iyo saygeedu ay u guuraan magaalada Madrid oo uu ninkeeduna u ciyaaro Real Madrid/

Xiddiga Faransiiska ah ee Paul Pogba ayaa ah midka inta ugu badan lala xidhiidhiyey Real Madrid ee haddana wali jooga Manchester United, laakiin laacib kale ayay hadda xaaskiisu soo tuurtay qumbulad aanay jeclaysanin taageereyaasha Red Devils.

Weeraryahanka Man United ee Anthony Martial oo dhaawacyo kusoo noqnoqdeen xilli ciyaareedkan ayay xaaskiisu tibaaxday in ay jeceshahay in iyada iyo saygeeduba ay tagaan Real Madrid oo ay ku noolaadaan caasimadda Spain.

Melanie Martial ayaa maanta oo Khamiis ahayd waxay shaacisay in Real Madrid ay u tahay koox ay hiigsanayaan, nolosha magaalada ay kooxdaasi ka dhisan tahayna ay u tahay mid ay xiisaynayaan.

Anthony Martial iyo Melanie Martial¬† oo si rasmi ah isku guursaday ayaa waqti ay waraysi siinaysay Kobini waxay sheegtay in qalbigeedu yaallo magaalada Madrid, iyadoo tidhi: “Kooxda qalbigayga iska leh, haddii aan aniga uuni is eegana aan kalideed ka fikiro, waa Real Madrid. Hala Madrid. Laakiin isaga (Martial) kooxda uu tegayaa waa kooxda uu ku dareemaya in uu ku fiican yahay.”

Si kastaba, Martial ayaa xilli ciyaareedkan uu qaabkiisu si aad ah hoos ugu dhacay, waxaana ku adkaatay gool dhalinta, taas oo ay u raaceen dhaawacyo uu haddaba ku maqan yahay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*