Iska Ilow Man United & Liverpool, Khabiir Magacaabay Kooxda Premier League Ee Man City Ku Qabsanaysa Koobka Xilli Ciyaareedka Dambe

Manchester United iyo Liverpool ma gaadhsiisna heer ay horyaalka Premier League kula tartami karaan Manchester City xilli ciyaareedka dambe, laakiin waxa jirta koox kale oo noqon doonta midda dagaalka dhabta ah la gelaysa City ee ku qabsan doonta horyaalka Premier League.

Man City ayaa xilli ciyaareedkan dhibco aad u badan ku qaadaysa horyaalka, waxaanay 14 dhibcood ka horreysaa kooxda kaalinta labaad ee Manchester United inkasta oo farqigaasi 11 noqon karo haddii Red Devils ay ka adkaato Tottenham oo ay Axadda wada ciyaarayaan.

Kooxdii horyaalka difaacanaysay ee Liverpool ayaa ka maqan kaalmaha hore, isla markaana dagaalka kaliya ee ay ku jirtaa uu yahay sidii ay uga mid noqon lahayd afarta  ugu sarreeya, halka Manchester United ay muujinayso in ay u baahan tahay in ay is xoojiso.

Chelsea oo kaalinta afraad laga tuuray ayaa xagaagii lasoo saxeexatay ciyaartooyo badan, waxaana isku habeeyey Thomas Tuchel oo beddelay Frank Lampard, kana dhigay naadi aan la loodin karin, iyagoo hal guul-darro kaliya la kulmay 16 ciyaarood oo ay dheeleen tan iyo bishii January.

Khabiirka ciyaaraha Graeme Souness  ayaa Chelsea u magacaabay in ay tahay kooxda ugu cadcad ee horyaalka kula xafiiltami doonta Manchester City, waxaanu yidhi: “Marka aad eegto sida ay kooxda Chelsea ku bilaabatay iyo beddelkeeda (ciyaartii Crystal Palace), waxa aan ku tilmaamayaa kooxda labaad ee ugu wanaagsan Premier League, waxaanay kaliya ka dambaysaa Manchester City.

“Waxay haystaan koox cajiib ah, waxay kaliya u baahan yihiin ciyaartoy 25 gool dhaliya xilli ciyaareedkii. Haddii ay helaan dhaliye cusub, waxay noqon doonaan koox khatar ah.”

Graeme Souness waxa uu ciyaartoyda Chelsea ku tilmaamay kuwo da’yar oo aad u wanaagsan, isagoo soo qaatay Mason Mount oo 32 jir ah, Hudson-Odoi oo 20 jir ah, Pulisic iyo Hakim Ziyech.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*