Iska Illow Kante, Shaw, Sterling, Ronaldo, Chiesa & Lukaku: Wayne Rooney Oo Magacaabay XIDDIGII Ugu Wanaagsanaa Tartanka Euro

Halyeygii xulka qaranka England iyo kooxaha Manchester United iyo Everton ee Wayne Rooney ayaa magacaabay xiddigii ugu fiicnaa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 kulamadii illaa hadda la ciyaaray.

Rooney

Ciyaartooyo badan oo la filayay in ay tartankan isku muujiyaan ayaan gaadhin heerkii laga filayay, waxaana ka mid ah N’Golo Kante oo qaab ciyaareedkiisu uu ka hooseeyey midkii Chelsea uu kusoo bandhigi jiray, Kevin de Bruyne oo dhaawacyo dishoodeen iyo kuwo kale.

Waxa kale oo maqane jooga ka noqday tartanka, weeraryahanka reer  France ee Kylian Mbappe oo uu dalkiisu hadhay isagoon hal gool dhalin, halka Romalu Lukaku iyo Cristiano Ronaldo ay goolal dhaliyeen balse dalalkooda ka joojin kari waayeen in ay hadhaan.

Dalalkii waaweynaa ee loo saadaalinayay in ay ku guuleysan doonaan koobka ayaa waqti hore hadhay, waxaana afarta ugu dambeeya iskugu soo hadhay England, Italy, Denmark iyo Spain.

Wayne Rooney ayaa xiddiga tartanka u magacaabay ciyaartoy aan ka mid ahayn afarta dal ee usoo gudbay wareegga afar-dhamaadka, sidoo kalena aan ahayn kuwa aynu sare kusoo sheegnay, kaas oo inkasta oo uu dhalkiisu hadhay haddana muujiyey ciyaar sarraysa oo xataa ka wanaagsanayd midda uu kooxdiisa kusoo bandhigo.

Wayne Rooney oo u warramay Wargeyska The Sunday Times, ayaa waxa uu xiddigii ugu fiicnaa tartanka usoo xushay kubbad-sameeyaha xulka qaranka France ee Paul Pogba oo bandhig sarreeya muujiyey, isla markaana dhaliyey gool dalkiisa ka badbaadin kari waayey in ay ku hadhaan wareeggii 16ka.
Faransiiska  ayaa waxa rikoodheyaal ku reebay xulka qaranka Switzerland, waxaana ciyaartii u dambaysay uu Pogba muujiyey ciyaar sarraysay, hase yeeshee goolkii daqiiqadihii dhamaadka laga  dhaliyey ee sababta u noqday barbarrihii ay rikoodheyaashu xigeen ayaa lagu canaantay Pogba.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. War waxan warkisa naga dhaafa waligis qarankisa wax uma tarine laacibow macaliminta w weyn warkoda noo so gudbiya rooney muxu qimen kara

    • Ciyaaradn waxbo ka aqoonin pogba dhax lamida ama ciyartoy LA ciyaaara oo Kaplan dhelayay noo sheg pro

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*