Indheer-Garad: Akhriso Hadalkii Uu Arsene Wenger Ka Saadaaliyay Kubadda Cagta 12 Sano Kahor Oo Maanta Taagan!!

Kubadda cagta Yurub ayaa ahayd mid ilaa shalay uu ruxay warka ah in 12 kamida kooxaha ugu magaca weyn looguna jecel yahay qaaradaas ay ku biirayaan tartan iyaga u gaar ah oo la magac baxay European Super League iyaga oo iskaga guuraya Champions League iyo xidhiidhka UEFA.

UEFA oo warbixin rasmi ah soo saaray ayaa sheegay in kooxaha iyo ciyaartoyda ka qayb qaata tartankaas ay ganaaxi doonaan iyadoo kooxaha laga qaadi karo koobabka qaar isla markaana heerarka hoose loo daadajin karo.

Arsene Wenger 'snubs Serbia after they make ambitious managerial offer to Arsenal legend' with money 'not a problem'

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in siddeeda kooxood ee iskugu soo hadhay afar dhammaadyada Champions League iyo Europea League laga saari doono intooda gashay European Super League taas oo ka dhigan in CL la siin karo PSG halka EL ay Final-kiisa toos u wada ciyaari karaan AS Roma iyo Villarreal.

Si kastaba, waxa baraha bulshada aad loogu baahinayay saacadihii ugu dambeeyay hadalo uu yidhi macalinkii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger mudo 12 sano kahor ah isaga oo ku saadaaliyay waxa maanta taagan.

Wenger ayaa wakhtigaas sheegay in 10 sano kaddib ay kooxaha qaar ku yaraan doonto lacagta ay ka helaan Champions League isla markaana ay samaysan doonaan European League u gaar ah oo ay lacagaha kaligood ku qaybsadaan waana arrinta maanta jirta.

Markale 2018 ayuu Arsene sheegay inay dhawaan adkaan doonto in lacagaha loo qaybiyo kooxaha waaweyn iyo kooxaha yar yar oo ay kooxaha waaweyni quudhsan doonaan lacagaha lala qaybsanayo.

Arsene ayaa 2009-kii yidhi “Malaha 10 sano gudaheed, waxa jiri doona European League…..lacagta ka imanaysa Champions League kooxaha qaar kuma filnaan doonto”

Markale Wenger ayaa saddex sano kahor oo 2018 ahayd yidhi “Waa lama huraan…..in lacaga loo kala qaybiyo kooxaha waaweyn iyo kooxaha yar yar waxay noqon doontaa dhibaato”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*