Imissa Lacag Ah Ayay Qaataan Garsoorayaasha Horyaalada Premier League, La Liga, Serie A & Champions League?

Garsoorayaasha horyaalada iyo tartamada waa weyn waxay dhaleeceyn joogta ah kala kulmaan tababarayaasha iyo warbaahinta, laakiin imissa ayay ku qaataan dhibka ay marayaan?

Garsoorenimo waa shaqo aad u adag marka laga hadlayo kubada cagta. Go’aan walba uu garsooruhu gaaro waxaa taxliilinaya tababarayaasha, ciyaartoyda iyo taageerayaasha.

Lacagta ay qaataan garsoorayaasha Premier League iyo guud ahaan dalka Ingariiska waxay ku xiran tahay hadba khibradooda iyo horyaalka ay garsooraha ka yihiin.

Garsoorayaasha horyaalka Premier League waa kuwa qaata mushahar joogta ah oo ay u sii dheer tahay kulan walba oo ay lacag gooni ah ku qaataan. Garsoorayaasha horyaalka Ingariiska waxaa sannadkii soo gasha ku dhawaad 70 kun ginni.

Mushaharkooda asalka ah waxa uu u dhaxeeyaa 38,500 ginni ilaa 42 kun taasoo ku xiran khibradooda, waxaana u sii dheer in kulan walba oo ay garsooraan inay ku qaataan 1,150 ginni.

Garsoorayaasha horyaalka heerka labaad ee Championship mushaharkooda asalka ah waxa uu la mid yahay kan Premier League, laakiin kulankii ay garsoore ka noqdaan waxay qaataan kaliya 600 ginni.

Si ka duwan England oo garsoorayaasha la siiyo mushahar joogta ah oo ay u sii dheer tahay in kulan walba lacag lagu siiyo, garsoorayaasha horyaalada kale ee ugu waa weyn Yurub waxaa lacag lagu siiyaa kaliya kulankii ay garsoore ka noqdaan.

Kulamada horyaalka La Liga ayaa ah kuwa ugu qaalisan, kulan walba waxa uu garsoore ku qataa lix kun euro, halka garsoorayaasha Italy, France iyo Jarmalka la siiyo kulankiiba kala bar lacagta Spain laga bixiyo.

Garsoorayaasha Champions League waxaa lagu kala qeybiyaa khibradooda, kuwa ugu khibrada sareeya waxay kulan walba ku qaataan 5500 ginni.

Kuwa ku xiga waxay kulankii qaataan 3800 ginni halka kuwa ugu khibrada yar ay kulankii qaataan 700 ginni.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

  1. Aad ayeey ooga yartahay lacagtaas garsooriyaasha uma qalmasn sidaan u arko howl adag ayeey qabtaan haloo kordhiyo plse

  2. Taxliilin: macnaha waa falanqayn. Afka qalaad waxaa lagu dhahaa Analysis marka waa sidaas iska baro

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*