Ii Kaalay!! – Tababare Toos Taleefan Ugu Wacay Harry Kane Isaga Oo Aan Cid Kale Usii Marin & Kooxda Uu Ka Doonayo

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham haatana hoggaanka u ah Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa la sheegayaa inuu xidhiidh la sameeyay xiddigiisii hore ee Harry Kane isla markaana uu doonayo inuu kula saxeexdo kooxda caasimada France.

Mustaqbalka Harry ayaa ah mid shaki weyni ku jiro iyadoo la sheegayo inuu iskaga tagayo Tottenham oo uu shaki weyni ku jiro haddiiba ay usoo bixi doonto tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Harry Kane has heartfelt message for Mauricio Pochettino as Jose Mourinho takes charge at Spurs - football.london

Warar kala duwan oo ay saxaafadu sheegayaan ayaa xusaya in Kane uu kooxdan uu tan iyo carruurnimadiisii qaybta kasoo ahaa weydiisan doono in loo ogolaado bixitaan haddiiba ay awoodi waayaan usoo bixitaanka Champions League.

Dhinaca kale wargeyska The Sun ayaa isaguna sheegaya in 27 sano jirkaasi uu sii joogi doono waqooyiga London haddiiba ay kooxaha saxeexiisa doonaya awoodi waayaan inay 175 Milyan oo pound bixiyaan.

Hadda warsidaha kale French-ka ah ee TF1 ayaa xusaya in Harry Kane uu wicitaan ka helay tababarihiisii hore ee Pochettino si uu u weydiiyo fikradiisa iyo waxa uu ka qorshaystay xagaaga.

Pochettino ayaa doonaya inuu dib ula midoobo saxeexa kabtanka xulka qaranka England haddiiba uu waayo mid ahaan xiddigaha hormoodka u ah kooxdiisa ee Kylian Mbappe iyo Neymar Junior.

Neymar iyo Kylian ayuu labadaba heshiisyadoodu yihiin kuwo dhacaya xagaaga 2022 waxaana jirta suurogalnimo ay Paris Saint-Germain iibin karto xagaaga sanadkan.

Kane ayaa kamid ahaa xiddigihii Spurs ee kooxda ku hoggaamiyay Final-kii UEFA Champions League ee sanadkii 2019 kahor intii aan macalinka ree Argentina si lama filaan ah shaqada kooxdaas looga caydhin.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*