Hordhacyo: PSG vs Club Brugge & Man City vs RB Leipzig – Xiddigaha Kusoo Bilaabanaya Iyo Wararkii U Dambeeyey

Group-ka A ee tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan waxa uu ka mid yahay meelaha ay ku kulmayaan kooxaha waaweyn ee taageereyaashu ay kulamada xiisaha badan ka helayaan, waxaana halkan ku wada jira Manchester City iyo Paris Saint-Germain oo ay soo raacayso kooxda reer Germany ee RB Leipzig oo iyadana ay awooddeedu wanaagsan tahay.

club brugge vs paris saint germain liga champions 169

Manchester City oo xilli ciyaareedkii hore timid finalka Champions League oo ay Chelsea gool madi ah kaga qaaday ayaa waxay qaabbilaysaa RB Leipzig, halka Paris  Saint-Germain oo urursatay ciyaartooyadii waaweynaa ee adduunayda sida Lionel Messi, Neymar, Mbappe, Ramos, Di Maria, Verratti iyo kuwo kale ay u tegayso kooxda reer Belgium ee Club Brugge.

Labada kooxood ee waaweyn ee PSG iyo Manchester City ayaa kulankan isku tijaabin doona labada kooxood ee kale ka hor inta aanay iyagu iska hor imanin.

Wararkii u dambeeyey ee dhaawacyada PSG

PSG waxay soo dhoweynaysaa Lionel Messi, Leandro Paredes iyo Neymar oo seegay kulankii Clermont maadaama ay ku raageen kulamada caalamiga ah, laakiin Angel di Maria iyo Gueye ayaan kulankan ciyaari doonin oo ganaax ah.

Sergio Ramos,  Layvin Kurzawa iyo Marco Verratti ayaa wali dhaawac ah oo aan qayb ka noqonayn ciyaartan laakiin Colin Dagba ayaa kusoo laabtay tababarka oo diyaar ah. Taageereyaasha ayaa arki doona Lionel Messi oo markii ugu horreysay kusoo bilowday, waxaanay weerar halis ah wada abuurayaan Mbappe iyo Neymar.

Shaxaha macquulka ah ee Club Brugge vs PSG:

Club Brugge: Mignolet; Mata, Mechele, Nsoki, Sobol; Vormer, Rits, Vanaken; Sowah, De Ketelaere, Lang

Paris Saint-Germain: Navas; Hakimi, Marquinhos, Kimpembe, Mendes; Pereira, Herrera, Wijnaldum; Messi, Mbappe, Neymar

Wararkii ugu dambeeyey ee Manchester City vs RP Leipzig

Manchester City waxa usoo laabtay Phil Foden iyo Kevin de Bruyne oo dhaawacyokasoo kabtay, halka Zack Stffen uu kasoo kacay Fayraska Korona oo ku dhacay laakiin Benjamin Mendy ayaa wali xidhan kaddib kufsi uu u geystay dhawr haween ah.

Riyad Mahrez iyo Raheem Sterling  ayaa rajaynaya inay kusoo bilowdaan, halka John Stones uu filayo inuu booska ka cidhiidhsado Aymeric Lapote.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Stones, Cancelo; Rodri, Gundogan, Silva; Mahrez, De Bruyne, Sterling

RB Leipzig: Gulacsi; Klostermann, Orban, Simakan, Angelino; Laimer, Haidara; Nkunku, Olmo, Szoboszlai; Silva

Waqtiga kulamadan: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*