Hordhac: West Ham vs Chelsea – Kulanka Go’aaminaya Kaalinta Afraad, Shaxaha Macquulka Ah & Wararkii U Dambeeyey

West Ham iyo Chelsea ayaa kulmaya fiidka hore ee caawa kulan xaasaasi ah oo saamayn ku yeelanaya kaalinta afraad ee horyaalka Premier League.

Kulankan lagu magacaabo London Derby ayaa xilli ciyaareedkan xiise gaar ah leh, waxaanay Blues iyo West Ham oo isku dhibco ah ay mid walba u dagaallami doontaa in ay si buuxda ugu fadhiisato kaalinta afraad, halka kooxda laga badiyaana ay suurtogal tahay in ay u degto kaalinta toddobaad oo ay xataa kasii hoos marto Liverpool iyo Tottenham.

Chelsea ayaa ku qasban in aanay wax dhibco ah lumin ciyaartan, si ay usii xajisan karto kaalinteeda afraad oo ay farqiga goolasha ku hayso, laakiin West Ham ayaa iyaduna ahayd koox natiijooyin wanaagsan soo bandhigaysay xilli ciyaareedkan oo rajo weyn ka qabta in booskeeda kaalinta afraad ee ay muddada kusoo jirtay ay dib ugu laaban doonto.

Labadan kooxood oo taariikhiyan kulamadoodu yihiin kuwo aan waxba la iskula hadhin, waxa gacanta sare yeelatay inta ugu badan Chelsea oo guuleysatay 51 ciyaarood, halka West Ham ay badisay 42 jeer iyo 22 kale oo ay barbarro galeen.

Xogta kulanka

Ciyaarta: West Ham vs Chelsea

Tartanka: Horyaalka Premier League

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

West Ham waxa ka maqan laacibkeeda Craig Dawson oo laba kaadh oo digniin ah qaatay ciyaartii ugu dambaysay, waxayse filaysaa in uu dib ugu soo laabto Jesse Lingard oo ah xiddiga loo nisbaynayo in uu sabab u yahay in kooxdu ay timaaddo halkan qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka. Waxa kale oo usoo laabanaya Hammers labada ciyaartoy ee Aaron Cresswell iyo Arthur Masuaku.

Chelsea waxa dhinaceeda dhaawac ka ah Mateo Kovacic oo uu tababare Tuchel xaqiijiyey in uu dhaawacan yahay, halka ay kooxdu qiimayn doonto taam ahaanshaha Thiago Silva.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

West Ham United: Fabianski; Ogbonna, Diop, Balbuena; Coufal, Soucek, Noble, Johnson; Fornals; Bowen, Lingard

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Jorginho, Kante, Chilwell; Mount, Werner; Havertz

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*