Hordhac: Valencia vs Barcelona – Barca Oo Ogsoon In Haddii Ay Guuleysan Weydo Ay U Dhamaatay, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

Barcelona ayaa u halgami doonta in ay jidka guusha kusoo laabato marka ay caawa garoonka Mestalla Stadium ugu tagto Valenica, taas oo ay uga horreysay guul-darro lama filaan ahayd ee Khamiistii kasoo gaadhay Granada.

Tababare Ronald Koeman ayay kooxdiisu iska lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka LaLiga kual wareegi lahayd, laakiin waxay caawa ciyaarayaan iyadoo Atletico Madrid ka horreysa shan dhibcood, Real oo labaad ku jirtaana saddex dhibcood ka horreysa.

Barcelona oo ogsoon in haddii ay guul-darraysato ay ku adkaan doonto in ay hanato horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedkan oo afar kulan oo kale u hadhsan yihiin, isla markaana usbuuca dambe la ciyaari doonta Altetico Madrid, ayaa waxay marti u tahay Valencia oo kaalinta 14aad ku jirta, xilli ciyaareed adagna soo qaadatay.

Valencia ayaa shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey guul-darro la’aan ahayd, waxaana ugu dambaysay Alaves oo ay barbarro 1-1 ah wada galeen, shakina kuma jiro in Barca ay qaabbilayaan iyagoo niyad-jab ka muuqdo.

33kii kulan ee Valencia ay soo ciyaartay, waxay kaliya heshay siddeed guulood iyo 12 barbarro ah, halka laga badiyey 13 ciyaarood, waxaanay natiijooyinkaasi siiyeen 34 dhibcood oo ay kaalinta 14aad ku fadhiyaan.

Barcelona ayaa dhinaceeda wax walba u samayn doonta sidii ay guul u keeni lahayd, isla markaana ay usoo qaban lahayd Real Madrid, uguna dhowaan lahayd Atletico Madrid, haddii se ay guul waayaan waxa uu xilli ciyaareedkoodu geli doonaa qalalaase.

Darwin Machis iyo Jorge Molina ayay ahaayeen labadii ciyaartoy ee Granada ee guul-darrada u xambaariyey Barcelona oo uu hoggaanka u dhiibay Lionel Messi, waxaana haddii ay Valencia ka guuleysan waayaan kaalinta saddexaad kala bixi doonta Sevilla oo hal dhibic kaliya ka dambaysa.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Valencia vs Barcelona

Tartanka: LaLiga, kulamada 34aad

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Mestalla Stadium

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Valencia waxay dhowaanahan ka nasatay dhaawacyada, waxaana kaliya uu shaki kaga jiraa in uu taam noqonayo kulanka caawa Thierry Correia, Jasper Cillessen ayaa kasoo noqday dhaawac jilibka ah, laakiin ma helayo fursad uu kaga hor tago kooxdiisii hore, sababtoo ah, waxa biraha dhexdooda kusii jiraya Juame Domenech.

Tababare Gracia ayaa isbeddel ku samayn doona safkii uu kula ciyaaray Alaves, laakiin Denis Cheryshev ayaa beddeli karaya Kevin Gameiro.

Dhinaca Barcelona, waxa ka dhaawacan Philippe Coutinho iyo Ansu Fati oo muddo dheer ku maqnaa dhaawacyo, waxa kale oo ka maqnaanaya Martin Braithwaite oo kuraanta wax ka qaba.

Koeman ayaa isbeddello ku samayn doona safkii uu kula ciyaaray Granada, waxaana uu safka hore kusoo celin doonaa Pedri, Clement Lenglet iyo Sergino Dest oo dhamaantood kaydka ku jiray ciyaartii Granada.

Antoine Griezmann iyo Lionel Messi ayaa sii wadan doona safka hore, balse Ousmane Dembele oo kasoo laabtay dhaawac ayaa kaydka kasoo muuqan doona, sida saadaashu sheegayso.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Valencia: Domenech; Correia, Paulista, Guillamon, Gaya; Wass, Soler, Racic, Cheryshev; Gomez, Guedes

Barcelona: Ter Stegen; Mingueza, Pique, Lenglet; Dest, De Jong, Busquets, Pedri, Alba; Griezmann, Messi

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*